Ururka Saxafiyiinta JIJA Oo Cambaareeyay Xariga Wariyaasha Ku Xiran Beled-Xaawo.

Sweden-(GMN) Ururka Saxafiyiinta Jubooyinka ee Magacooda loosoo Gaabiyo JIJA ayaa waxaa ay Cambaareeyeen xoogani u soo jeediyeen Ururka Al-Shabaab ee Maamulka Degmada Beled-Xaawo  ee Woqooyiga Gobolka Gedo kuwaasi oo xarig u gystay wariyaal ka hawl gala Degmadaasi.

 Cali Yaasiin Gurbe oo Ah Gudoomiyaha Ururka Saxafiyiinta Jubooyinka ee JIJA oo ku sugan Dalka Sweden ayaa waxaa uu sheegay in aysan haboonayn in xarig Xaq darro ah loo gaysato wariyaasha u shaqeeya Bulshadooda, wuxuuna intaasi raaciyay in Maamulka Gobolaka Gedo Gaar ahaana Degmada Beled-Xaawo ay siidaayaan wariyaashaasi kala ah Xasan Max’uud Xalane iyo Max’ed Qani Xuseen Kuusow.

 Gudoomiyaha ayaa intaasi waxaa uu ku daray in Agaasimaha Warbaahinta Maandeeq ee Dagmada Balad-Xaawo uu ku baxay Amar ay siiyeen Maamulku in uu kaga Qayb gali karo Kulamdii ka dhacay Magaalada Hargaysa ee Maamulka Soomaaliland islamarkaana aysan haboonayn in ay dib u xiraan Agaasimaha.

 Mr.Gurbe ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay in Wariyaha kale ee Max’ed qani Xuseen Kuusow lagu haysto hawlihiisa Shaqo taasi oo ah in xaqiiqada ka jirta Gobolka uu uga waramay warbaahinta Shabeelle ee Magaalada Muqdisho.

 Gudoomiyaha ayaa waxaa uu ugu Baaqay Maamulka Degmada in ay tixgalin gooni ah siiyaan Bahda Warbaahinta ee ka shaqaysa Gobolka Gedo oo uu sheegay in ay yihiin Dhalin u dhabar daygtay dhibaatooyin Aad u fara badan.

 Gudoomiyaha ayaa maamulka Degmada Balad-Xaawo waxaa uu ku dhaliilay iska warqab la’aan dhexdooda ah taasi oo ay kamid tahay haysashada Agaasimaha Radio Maandeeq Xasan Max’uud Xalane oo ay qaar kamid ahi Fasaxeen kadibna xabsiga loo taxaabay.

 Ugu Dambayntii yaa Cali Yaasiin Gurbi waxaa uu ururka Al-Shabaab ka Codsaday in wariyaashaasi ay siidaayaan ayna Xoriyadooda u soo Celiyaan Maadaama ay yihiin ayuu yiri isha Kaliya ee ka jirta Gobolka ama Tooshka ifinaya Gobolka Gedo.

 Max’ed Cibaar Diiriye

Johannesburg-South Africa

Mrooble0@hotmail.com

Gedoonlinenews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Before you submit form:
Human test by Not Captcha

Don’t Take Blessings for Granted

Buuga Jaalle Siyaad oo la bandhigay

Jaalle Siyaad Book Event