Agaasimihii Radio Maandeeq Beled-Xaawo Oo Galabta Goor Gaaban Xabsiga Loo Taxaabay.

Beled-Xaawo-(GMN) Wararka naga soo gaaraya Degmada Beled-Xaawo ee Woqooyiga Gobolka Gedo ayaa waxaa ay ku soo waramayaan In Ururka Al-Shabaab ay Galabta Goor Gaaban Xabsiga u taxaabeen Agaasimihii Idaacada Radio Maandeeq ee Dagmada Beled-Xaawo Xassan Max’uud Xalane.

Xabsiga Agaasimaha oo caawa Xabsi u hoyday ayaa waxaa la sheegay in uu ka dambeeyo Safar uu dhawaantan ku Gaaray Magaalada Hargaysa taasi oo uu u aaday Siminaar uu halkaasi kaga qayb galay Saxafiyiin aad u fara badan.

Agaasime Xassan Max’uud Xalane ayaa horey waxaa uu ogaysiis uu siiyay Ururka Al-Shabaab ee Maamula Degmada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo isagoo u sheegay in uu safar ku gaarayo Magaalada Hargaysa ee xarunta Maamulka Soomaaliland islamarkaana uu ku baxay Amar ay u siiyeen in uu Agaasimuhu bixi karo sida aanu ka helayno ilo ku dhaw-dhaw Ururka Al-Shabaab oo la soo xariiray Warbaahinta.

Lama garanayo Arimaha keenay in Agaasimaha ay xabsiga u taxaabaan Ururka Al-Shabaab oo la sheegay in ay Agaasimaha fasax u siiyeen in uu aadi karo Safarkaasi islamarkaana uu ka qayb gali karo.

Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa ay xabsiga ku hayaan wariye Maxa’ed qani Xuseen Kuusow oo lagu haysto Waraysi uu siiyay Wakaalada Wararka Shabeelle oo ay sheegeen Maamulku in aan wax war ah la siin karin.

Gobolka Gedo ayaa horay waxaa uga Soo cararay Wariyaal aad u Fara Badan kuwaasi oo intooda badan ku sugan Dalka Kenya Gaar ahaana Magaalada Nairobi waxaana wariyaashaasi ay intooda badani ka hawl gali jireen Idaacada Maandeeq ee Degmada Beled-Xaawo.

 Max’ed Cibaar Diiriye

Johannesburg-South Africa

Mrooble0@hotmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Before you submit form:
Human test by Not Captcha

Don’t Take Blessings for Granted

Buuga Jaalle Siyaad oo la bandhigay

Jaalle Siyaad Book Event