Muqtaar Rooboow:oo ku dhawaaqaya Jabhad cusub (Xog Culus)

Baydhabo-(GMN) Qilaafkii soo kala dhexgalay xoogaga Al-shabab, waxa uu ahaa mid loo caalwayay in mudaana ay wada hadalo ay isugu yimaadeen ku guuldaraysteen in ay soo afmeeraan, waxa uuna dhawaan sababay, gacan ka hadal dhaliyay in la qaarajiyo rag caan ah oo ka tirsanaa  ururka Al-shabab.

Dhoowr cisho kahor waxaa dhacay labo talaabo oo aad u fool xun, wana kuwa sii fogeeyay rajadii laga qabay isku soo dhawaansho ay helaan, mid ka mid ah ayaa ahaa dil bareer ah oo loo gaystay, labo masuul oo lagu kala magacaabo Abuu-muslim iyo Farxaan Abuu muscab, waxayna labadan masuul u kala dhasheen dalka sacuudiga iyo Somalia, halka falka kale uu ahaa toogasho, bareer ah oo loo gaystay inkabadan 40 ruux oo ka mid ahaa dad qabay dhaawacyo ka soo gaaray dagaalada Muqdisho, kuwaas oo loo toogtay, in aysan sir bixin, iyo in aysan noqon kuwo lagu qabsado meesha ay joogaan hadii qilafku uu gaaray heerakan,waxana amarka dhidib tirkan bixiyay ninka ugu sareeya Al-shabab Ahmed Godane oo ka soo jeeda Somaliland.

Ila wareedyo Gedoonline la xariirtay ayaa xaqiijinaya in Dadka toogashada lagu dilay u badnayeen kuwo ka soo jeeda Baay iyo Bakool, waxana hadalo cul culus is dhaafsaday Abu Mansuur iyo Ahmed Godane, waxayna isla gaareen meel aad u culus, ilaa ay isugu hanjabeen dagaal iyo awood.

Mansuur oo asal ahaan ka so jeedo deegaamada Baay iyo Bakool, kana xun falalka Godane iyo inta ku fikirkaa, ayaa waxa uu si kadis ah ula baxay dhamaan Maleesiyaadka ku haybtaa ee ku jiray ururka Al-shabab, asaga oo uu ku jiheeyay deegamada ay u dhasheen.

Abu Mansuur, waxa uu sida la soo warinayo bilaabay qorshe cusub oo uu ku samaynayo xisbi diimeed cusub, waxana uu wada hadal la bilaabay Xassan Daahir Awys.asaga oo dhanka kalana kalsooni ka haysta maleeshiyaadka u dhashay gobolka Gedo, oo qaarkood asaga la gadooday.

Xasan Daahir ayaa aad u danaynaya in uu la midoobo Abu Mansuur,si ay awoodoodu u noqto mid muuqata, waxyna aweys oo aan awal wax xurmaa ku haysan ururka Al-shabaab ay tani u tahay fursad muhiim ah.

Odayaasha Beelaha Raxanweyn, ayaa lagu soo waramayaa in ay Abu Mansuur ka codsadeen, in uu soo afmeero dagaalada ay caruurtooda ku hoobteen, oo uu tixgaliyo codsigooda, madama y shalay garab ku siiyeen in uu wiilashooda ciidamaysto, lakin maansuur waxa uu ku qanciayay odayaasha beelahooda, in iminka ay ka soo baxeen ururka Al-Shabaab.

Qilaafaadka Alshabab, waxa uu gogol xaar u noqn karaa guul ay gaaraan xogaga AMISOM iyo Dowlada KMG ah, gar ahaan magaalada Muqdisho, oo ay iminka goobo badan gacanta ku dhigeen.

 Gedoonlinenews@gmail.com

7 Responses to Muqtaar Rooboow:oo ku dhawaaqaya Jabhad cusub (Xog Culus)

  1. nin ka soo jeedo bay iyo bakool October 5, 2010 at 3:25 pm

    Mansuur u sheega inow xiriir la samaynin Daahir aways .

    daahir aways maleeshiyadiisu waa qabiil ka yimid Gobolada dhexe .

    Reer baydhabo ha ka waantoobaan inay keenaan habargidir oo cimaamad been ah soo gashtay.

    bay iyo bakool nabaday rabaan ma rabaan niman soo gashtay cimaamad beena oo ku hoos jirto qabiil

    Reply
  2. wiil Raxanweyn. October 5, 2010 at 5:46 pm

    walahay waxaa cadaatay in awooda Al-shabab ay u badnayd Raxan weyn, waxana marqaati kah sida ay u baneyeen meelaha ay haysteen isla daqiiqadna loola wareegay mansuur waa nin leg go’aan uu wax ku qabsado lakin nika somaliland ka yimid ee raba in Konfurta ka arimiyo halkee ayuu ku dhuman donaa sheekadii ileen waa so dhaataye.

    Reply
  3. shugri muuse October 7, 2010 at 4:18 am

    waa dhibaato cusub kala jajabka shabaab iyo kalaguurkooda cusub waayo macno makeenayso oo waxaa wanaagsan in laysku burburiyee ma wanaagsana in midba meel loodoono.
    mida kale awalba waa ogolaayeen inay talada kasugaan GODANEE xagee wax iska cuneen magabdhihii yaryaraa ee layska ka xaysanayaa yaraaday mise waxaa dhacday beeso la’aan oo roobow waxaa loogu yimid hay adihii bay iyo bakool.
    waa wareere aan sugno waxa xiga

    Reply
  4. shugri muuse October 7, 2010 at 4:22 am

    MANSUUR waad kasoo tagatay ragaad isku danuubta ahaydeen waxaadna ubaahan tahay meel aad ku badbaado maantan waxaad haysaa isha kaliya ee siyaasadeed ee aad ku tagi lahayd ama ku joogi lahayd ee waxaad samaysaa raadi soomaalinimo waxaad samaysay oo danuubana dadka usheeg say kuu cafiyaan kadibna ilaah toobad waydiiso jaanis ayaa kuu furane saacada hadaana maad joogtid geed lagu gabado.

    Reply
  5. Rugbuuraay October 7, 2010 at 12:17 pm

    Raxanweyn ha ogaato in 2006-2010 ummada waxa laaynaayey ay iga ahaayeen maadaama ay 90% ciidan alshabaab ay ahaayeen Raxanweyn. Somalina ha ogaato intaas. Soomalida waxaad ku raali gelin laheydeen ayaan leydanka rabaa.

    Reply
  6. cali December 2, 2010 at 11:09 pm

    runti shaki kama tagna in uu ninkaan la baxay abuu mansuur uu yahay gacan ku dhigle laayay sarakiil badan oo somaliyeed iyo aqoonyahano hadana aanana gaarin samsabkii uu tiigsanyay hadii u hadda la heshiyana gacanku dhiigle xsan dahir taas waxaay lamidtahay umadda reer bay iyo bakool in uu u abuuraayo cadawnimo aay u qadan somalida kale hada waxaan arganay in laga so masaafurinaayo waqoyi bari marka waxaan dhihi lahaa umadyahay dana hina garta iskana ilaaliya kuwa xukun doonka ah ee ku ganbanaya diinta

    Reply
  7. Amiiir fiaisal July 9, 2012 at 6:12 pm

    somali -weyn & Rahanweyn

    ma’cafin karaan mansoor robow
    waa in maxkamadda caalami ga ah
    la hor keenaa oo weliba xukun adag
    & ciqaab adagg lamariyaa inta aan la’gubin

    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Before you submit form:
Human test by Not Captcha

Don’t Take Blessings for Granted

Buuga Jaalle Siyaad oo la bandhigay

Jaalle Siyaad Book Event