Maamulka cusub ee Dooxada Shabelle: Hiiraan waan la wareegaynaa!

Hiiraan-(GMN) Maamulka cusub ee Dooxada Shabelle, ayaa markii ugu horeeysay ku dhawaaqay in ay gobolka Hiirana ka sifaynayaan, kooxaha gacanta kuhaya, ee ay ka mid yihiin ururka Al-shabaab.

Yuusuf Axmed Hagar oo loo yaqaan (Dabageed) isla markaana ah gudoomiyaha gudiga qaban qabada, ee dhismaha maamulkaasi ayaa waxa uu manta shegay in ay sida ugu dhaqsiyaha badan maamulka Dooxada Shabelle, ay kula wareegi doonaan gabi ahaan gobolka Hiiraan gaar ahaan magaalada Beledweyne.

Dabageed waxa uu shegay in uu maamulka cusub ee la sameeyay qorshihiisu yahay in ay ka shaqeeyaan nabada iyo soo celinta karamada reer Hiiraan, sida uu hadalka u dhigay, waxa uuna maamulka cusub ku tilmaamay mid lagu diirsan doono, asaga oo dhanka kalana xusay in dadka reer Hiiraan ay ka sugayaan in ay ka taakuleeyaan kuna taageeraan  howlahooda, ay iminka bilaabeen.

Masuulkan oo ka mid ah DKMG ah waxa asaga iyo xubno kale oo dowlada ka tirsan ay dhawaan ku dhawaaqeen maamulka cusub, mana cada ilaa iyo inta uu sii shaqayn karo maamulkan, iyo halka ay awoodiisu gaari karto, ayaga oo taagero ka helaya dowlada Itoobiya.

Horay magalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa maamul goboleed gobolka Hiiraan leeyahay looga dhawaaqay mana cada waxa asagana ka soo bixi kara xiligan, iyo xariirka labadooda ka dhexeeya.

Inta badna gobolka Hiiraan waxaa mamula ururka Al-shabaab oo si weyn uga soo horjeeda DKMG ah ee Somalia.

Gedoonlinenews@gail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Before you submit form:
Human test by Not Captcha

Don’t Take Blessings for Granted

Buuga Jaalle Siyaad oo la bandhigay

Jaalle Siyaad Book Event