Xoogaga NATO Oo Xoog Kusoo Furtay Markab ay Afduubeen Burcad Badeedda
Somalia (GMN) – Ciidamada NATO ee ka howlgala xeebaha Soomaaliya ayaan si xoog ah uga soo furtay Markab ay afduubteen kooxaha Burcad badeeda Soomaalida, iyadoo markabkaasi uu ahaa nooca konteennarada qaada ah oo laga leeyahay dalka Jarmalka.
Markabkaasi ayaa lagu magacaabaa Magellan Star, Burcad badeeda iyo Ciidamada NATO ayaa isweydaarsaday rasaas culus oom muddo socotay, waxaana lagaga awood roonaaday dagaalkaasi kooxihii Burcad badeeda oo dib looga qabsaday Markabkaasi.
Shirkadda markabka iska leh ayaa sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay israsaaseynta dhexmaray ciidamada Midowga Yurub iyo kooxda burcadda ah ee markabka Afduubka ku qabsaday.
Sidoo kale Afhayeen u hadlay ciidamada Midowga Yurub ee ku sugan xeebaha Soomaaliya ayaa sheegay in kooxaha burcadbadeedda ah ay fuuleen markabka, ayna 11-shaqaale ah oo la socday isku xireen qol ammaan ah.
Kooxhii burcadbadeedda ahayd oo watay dooni yar ayaa isaga cararay halkaasi kadib markii ay ciidamada NATO ku dhawaadeen markabka oo ku sugnaa badweynta India.
C/risaaq C/laahi
Gedoonlinenews@gmail.com


Recent Comments