Xizbiga Mucaaradka Uganda Oo Ku Baaqay In Askartooda Laga Soo Saaro Somalia

Kampala (GMN) – Hogaamiyaha Xisbiga mucaaradka ee dalka Uganda, ayaa ku baaqay in Ciidamada Dowladda Uganda ka jooga Somalia inay si deg deg ah uga soo daabulaan halkaasi.

Mas’uulkan mar u tartamay jagada Madaxtinimada ee dalkaasi Uganda, ayaa sheegay inay tahay in askartooda ku sugan Somalia laga soo daadgureeyo.

 “Askarteena ku sugan Caasimadda Somalia, waxaa loo arkaa ciidamo gumaysi ku guda jira’ sidaasi darteedna ay tahay in Dowladda Uganda, ay u istaagto inay dib usoo celiso ciidankaasi” ayuu yiri Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ee Uganda.

Uganda, ayaa waxaa dalka Uganda ka jooga ciidamo fara badan oo ka qeyb qaadanaya hawlgalka Nabad ilaalinta ee AMISOM.

Ma ahan markii ugu horeysay oo Mucaaradka Uganda ku baaqaan in ciidankooda laga soo saaro Somalia, waxaana baaqooda uu kusoo beegmayaa xilli kumanaan kale oo askari lagu kordhinayo hawlgalka AMISOM, Dowladda Ugandana ay qeyb ka noqon doonto.

C/risaaq C/laahi

Gedoonlinenews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Before you submit form:
Human test by Not Captcha

Don’t Take Blessings for Granted

Buuga Jaalle Siyaad oo la bandhigay

Jaalle Siyaad Book Event