Natiijada Kulamadii Shaley Ee Horyaalka Egland & Dhibcaha Kooxaha

SPORTS (GMN) – Wayne Rooney ayaa goolkiisii ugu horeeyay dhaliyay laga soo bilaabo bishii March markii uu dhaliyay mid ka mid ah goolasha ay Manchester United kaga adkaatay West Ham United oo ah 3-0.

Rooney, wax gool ah shabaqa wuu taabsiin waayay laga soo bilaabo markii uu gool ka dhaliyay Champions League heerkiisii quarter-finaal-ka lugtii 1aad oo ay la ciyaareen Bayern Munich, sanadkii tagay laakiin xalay ayuu helay gool rigoore ah kaasoo uu shabaqa ku hubsaday.

Nani ayaa 5 daqiiqo kadib goolkii 2aad u dhaliyay United waxaana kii ugu danbeeyay ku soo qatimay Dimitar Berbatov sidaana ay kaga xayuubsadeen 3dii dhibcood West Ham taasoo iyadoo aan wax dhibic ah wadan fadhida halka ugu hooseysa horyaalka.

United natiijadaan waxey u suuragalineysaa 7 dhibcood 3dii kulan oo ay ciyaartay, waxeyna isku dhibco yihiin Arsenal iyagoo 2 dhibcood ka wada hooseeya Chelsea.

Weereryahanka reer England wuxuu haatan u muuqdaa mid soo afjaray 1,081 daqiiqo iyo 13 kulan oo xulka iyo kooxdiisa ah oo ay abaar darani ka heysatay xaga gool dhalinta.

Chelsea VS Stoke

Chelsea ayaa wali xawaare ku socota waxeyna mar kale horyaalka ku difaacatay 2-0 ay kaga taqalustay Stoke City , iyadoo goolasha ka kala heshay Florent Malouda iyo Didier Drogba

Chelsea oo labadii kulan ee ugu danbeysay min 6-0 ku badisay ayaa waxey markaan iska cabin xoogan kala kulantay Stoke wallow Frank Lampard uu rigoore ka qasaariyay qeybtii hore ee ciyaarta.
Malouda ayaase goolka daahfurka dhaliyay daqiiqadii 31aad, ka hore intii uusan goolkii 2aad dhalin Drogba waxeyna sidaa Chelsea ku diiwan gashatay guushuu 3aad oo isku xigta.

Tottenham VS Wigan Athletic

Tottenham Hotspur ayaa 1-0 waxaa kaga naxsatay Wigan Athletic, taasoo 2dii kulan ee ugu danbeysay laga dhaliyay 10 gool isla markaana ay wax gool ah dhalin weysay.
Chelsea waxey horyaalka ku hogaamineys 9 dhibcood
Arsenal oo farxalatay Blackburn
Andrey Arshavin ayaa daqiiqadii 51aad ee ciyaarta u dhaliyay kooxdiisa Arsenal goolka guusha oo ay kaga adkaatay Blackburn taasoo ay kaga gudubtay 2-1 ciyaartii ka dhacday garoonka Ewood Park sidaasina waxey ku tahay kooxd aan wali laga badin Premier League.

Captain-ka Russia oo kubadaasi ka laaday meel 10 tilaabo goolka u jirta ayaa waxey u tahay todobaadkii 2aad oo isku xiga oo uu kooxdiisa gool u dhaliyo.

Theo Walcott ayaa goolka furitaanka kooxdiisa u dhaliyay 4 daqiiqo oo kaliyaha markii ay socotay ciyaartu, hayeeshee waxaa goolkaasi soo bareejeeyay Mame Diouf daqiiqadii 20aad.

Arsenal waxey aruursatay 7 dhibcood 3 kulan oo ay ciyaartay iyadoo sanadkaan baadi goob ugu jirta iney qaado horyaalkii ugu horeeyay ee Premier League laga soo bilaabo 2004.

Natiijada kulamadii dhacay:

Blackburn – Arsenal 1-2
Wolverhampton – Newcastle 1-1
Chelsea – Stoke 2-0
Blackpool – Fulham 2-2
Tottenham – Wigan 0-1
Manchester Utd – West Ham 3-0 

Kala horeynta Kooxaha:

1 Chelsea 3 3 0 0 14 – 0 9
2 Arsenal 3 2 1 0 9 – 2 7
3 Manchester Utd 3 2 1 0 8 – 2 7
4 Wolverhampton 3 1 2 0 4 – 3 5
5 Newcastle 3 1 1 1 7 – 4 4
6 Manchester City 2 1 1 0 3 – 0 4
7 Bolton 2 1 1 0 3 – 1 4
8 Birmingham 2 1 1 0 4 – 3 4
9 Tottenham 3 1 1 1 2 – 2 4
10 Blackpool 3 1 1 1 6 – 8 4
11 Fulham 3 0 3 0 4 – 4 3
12 Blackburn 3 1 0 2 3 – 4 3
13 Aston Villa 2 1 0 1 3 – 6 3
14 West Bromwich 2 1 0 1 1 – 6 3
15 Wigan 3 1 0 2 1 – 10 3
16 Sunderland 2 0 1 1 2 – 3 1
17 Everton 2 0 1 1 1 – 2 1
18 Liverpool 2 0 1 1 1 – 4 1
19 Stoke 3 0 0 3 2 – 6 0
20 West Ham 3 0 0 3 1 – 9 0

C/risaaq C/laahi

Gedo Online Sports News

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Before you submit form:
Human test by Not Captcha

Don’t Take Blessings for Granted

Buuga Jaalle Siyaad oo la bandhigay

Jaalle Siyaad Book Event