Madaxweyne Shariif “Fidnada Hala Joojiyo Fadliga Bisha Ramadaan Awgeed”
Mogadishu (GMN) Madaxweynaha Dowladda KMG ee Somalia, Shariif Sheikh Axmed, ayaa ku baaqay in inta lagu guda jiro Bisha Barakaysan ee Ramadaan la joojiyo dagaalada xinjiraha shacabka lagu daadinayo ee ka holcaya dalka Somalia.
Isagoo warbaahinta ka hadlayey ayaa Madaxweynaha waxa uu ugu baaqay kooxaha kasoo horjeeda bal in ay hakiyaan dagaaladda Bisha Barakeysan ee Ramadaan, si uu u bad baado buu yiri dhiigga ummada Soomaaliyeed ee saa’imiinta ah.
“ILAAHAY SWT waxaan ka baryeynaa in Umadda Soomaaliyeed uu ka dul qaado dagaaladda aan dhamaadka laheyn ee ku dhex jiraan, sanadkaan kiisa xigana uu gaarsiiyo nabad iyo barwaaqo lagu diirsado” sidaana waxaa yiri Madaxweyne Shariif oo ay qiiro ka muuqatay codkiisa.
Gobalada dalka Somalia, ayaa afar-meelood saddex meel laga sooman yahay maanta ka dib markii deegaano badan laga arkay bisha Ramadaan.
C/risaaq C/laahi


Recent Comments