Bayaan: Beesha Reer Warsame Diini

Beesha Reer Warsame Diini ee SADE-Bari “Mareexaan” oo kalsoonidii kala laabatay Dowladda Federaalka Somaliyeed.

Ku: Madaxweynaha Jamuuriyadda Federalka Somalia

Ku: Guddomiyaha Barlamaanka Somalia

Ku: Reysal Wasaaraha Xukuumadda

 

Balanballe: Beesha Reer Warsame Diini oo ah beelaha ugu weyn Sade-Bari ee Gobolka Galgaduud ayaa xiligani si wayn uga biyo diidan qaabka wax u soconayaan ayadoo u aragta saamigii ay ku lahayd Dowladda Federalka Soomaaliyeed in la siiyay beelo kale isla markaana la xaqirayo mudnaantooda. Sidaa darteed waxay maanta beeshu iclaamisay in ay kalsoonidii Dowladda Federalka Somaliyeed kala laabatay, kadib markii Dowladdu si bareer ah u musuqmaasuqday kaalintoodii.

Beesha waxay si qadarin iyo xushmad leh in badan tixgelisay horumarka iyo isku duubnida midnimadda Soomaaliyeed. Hase ahaatee lixdii dowladood ee la soo dhaafay wax xil ah kama qaadan, intaas waxay baadigoobeysay wanaaga, isku duubnida beesha iyo qaranimada Soomaaliya.

Suldaan Cabdinaasir Xassan Dhaalo oo ah Suldaanka Sade-Bari ayaa nasiib daro ku tilmaamay qaabka ay wax u wadan madaxda Federalka dowlada cusub ee Soomaaliya, wuxuu xusay in beesha Reer Warsame Diini aysan helin xil mug leh isla markaana aysan aqbali doonin in xiligani ay waayaan mudnaantooda.

Suldaan Cabdinaasir Xassan Dhaalo

suldaancabdinaasir@gmail.com

One Response to Bayaan: Beesha Reer Warsame Diini

  1. awil February 19, 2013 at 10:42 am

    somaalidu waxay tiraahdaa nin magaalo u caroodow siiga yare hadaad catootay yaa kaa warqaba qabiil iyo anaa ku haboon waa laga gudbay qaran iyo soomaalino iyo aqoontaada wax kunoqo beelo badan ayaa sidaa hamiyey kuna hungoobay waaba adigoo laguu tirinayo ra,isalwaarihii dalka caga dhigo aqoontaa iyo kartidaa

    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Before you submit form:
Human test by Not Captcha

Don’t Take Blessings for Granted

Buuga Jaalle Siyaad oo la bandhigay

Jaalle Siyaad Book Event