Maxay Kenya ku diiday in ay la kulanto Madaxweynaha Soomaaliya (Xog iyo Xaqiiq)
Kadib markii uu madaxweynaha Jamhuriyada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu dalka dibadiisa ugu anbabaxay socdaal uu ku soo kala bixinaay dalalka jaarkaa sida, Jabuuti, Ethopia iyo Kenya, ayaa waxaa socdaalkiisa uu ka bilaabay dalka Jabuuti oo ay madaxweynaha dalkaasi ka wada hadleen qadiyada Soomaaliya iyo siyaasadaha cul culus ee ku hor gudban madaxweyne Xasan sheekh, sida Amniga, xoojinta siyaasada Gudaha iyo dibada, qaadista talaabooyinka siyaasigaa ee ku wajahan gudaha dalka sida qadiyada Jubbooyinka oo noqotay mid madaxweynaha Karaamadisa wax u dhimi doonta hadii hadaladii uu horay u yiri waxba laga soo qaadi waayo.
Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Omar Geele ayaa sida ay xog hoose nagu soo gaarayso waxaa uu ku booriyay madaxweyne Xasan in uu Mowqif adag ka qaato arimaha Jubbooyinka isla markaana uu kala hadlo dowladaha Kenya iyo Ethopia oo ay ciidamadoodu ku suganyihiin in ay dowlada Soomaaliya uga danbeeyaan arimaha maamul samaynta ayna ku ekadaan arimahooda ciidan iyo la dagaalanka Al-shabaab.
Ka hor inta uusan Muqdisho ka dhoofin madaxweynuhu waxa uu dalka kenya u diray Wasiirka arimaha dibada Marwo Fowziya Xaaji iyo wafdi ay horkcayso si ay u sii gogol xaadhaan socdaalka uu madaxweynuhu ku tagi doono Kenya, waxayna kulan la qaadatay raysulwasaaraha Kenya Rail odinga iyo xubno kale, iyada oo kulamo aad u adag la isla qaaday waxaa ay dowlada Kenya u sheegtay Fowziya in aysan Kenya kulan la qaadan doonin madaxweynaha Soomaaliya xiligan ilaa iyo Go’aan danbe. sidaa darteedna ay madaxweynaha u sheegto in uusan ku soo hungoobin Kenya.
Wasiirada Arimaha dibada ee Soomaaliya Fowziya iyo wafdigeedii ayaa si dag dag ah u tagay magaalada Adi-Ababa oo uu xiligaasi madaxweynuhu ku sugnaa waxayna madaxweynah u shaxaraxeen wixii ay la soo kulmeen, taasoo ku qasabtay madaxweynaha in uu dalka Soomaaliya dib ugu laabto.
Hadaba su’aasha is weydiinta mudan ayaa ah maaxay tahay sababta Kenya u diiday kulanka madaxweynaha? Ilo wareedyo la hubo ayaa noo xaqiijiyay in Kenya ay wado qorshe ay ku xoojinayso siyaasadii ay ka lahayd gobolada Jubbooyinka oo ay mar walba ku adkaysanayso in aysan jirin dowlad ay kaga danbayso balse ay jiraan dad ay adeegsanayso, waxayna dowlada Kenya Hoosta ka riixaysaa dadajinta Maamul la sheegay in laga dhisayo Kismaayo kaas oo qaban qaabadiisu ka socoto magaalada Kismaayo iyo Nairobi.
Kadib marka lagu dhawaaqo maamulkan ay Kenya gadaal ka riixayso ayaa laga yabaa in ay madxweynaha kula gor gortamaan waxa ay gacanta ku hayaan oo ah maamul iyo dhul ay awood ku haysato Kenya.
Waxaa ila wareedyadan ay cadeeyeen suurogalnimada in madaxweynaha loo yeero kadib marka maamulka lagu dhawaaqo si loogala hadlo go’aamada iyo halka uu ka taaganyahay qadiyada Jubbooyinka.
Kenya waxa ay heshiis la gashay siyaasiyiin Soomaali ah oo kuabtirsada Jubbooyinka iyo kuwo ku hadla afka soomaaliga balse dhalashada kenya haysta oo ay ka dalbatay ogolaanshaha in kenya ceelal shidaal ay ka qodato Jubbada Hoose iyada oo kaashanaysa shirkadi bixiyay qarashaad aad u badan oo arimahan ka faa’iidaysan doona.
Madaxweyne Xasan waxaa hubaal ah in uu xog walba oo ay Kenyo magaantahay uu la socdo, waase arin u bahan siyaasad iyo caqli saliim ah oo shaqeeya shacabkana ka bad baadiya dagaal Ahli ah iyo mid caalami ah intaba.
hadaba aqristoow sidee kula muuqtaa arintaan fikirkaaga noogu soo hagaaji
Rajonews3@gmail.com am Hoos ku qor aragtidaad.
Xigasho Rajonews.com


waar ilmaadeerayaal xishooda, iskuduubni ayaan xoog leehaye, beenta beenta shacabka ka daaya..
Marka hore siyaasada Jubooyinka waxay ila tahay inay ubaahantahay caqli saliim ah, iyo in dowlada Federaalka aysan kadheerayn talaabadeeda. Sababta waxaa weeye, dowladaha deriska ah makala jecla Soomaalida, mana ogola inay wax noqdaan. Kenya iyo Ethiopia waxay kuheshiiyeen siyaasado fog-fog oo runtii dowlado waa weyn un ay kahortagi karaan, hadii labadoodana hada loofasaxay Soomalia, waxay ila tahay in Soomaaliya god dheer kusii dhacayso. Labadaran mid dooro ayaa heysata dowlada.
1. Kenya iyo Ethiopia waxay gacan saar laleeyihiin USA, Europe iyo Israel, siyaasada Kenyana iyo inay gasho Soomaaliya waxaa ufasaxay kuwann iyaga ah. Marka Kenya iyo Ethiopia way qasbi karaan madaxweyne kasta oo Soomaaliya inuu yeelo wixii ay rabaab, Dadka qaarkii lagayaabo inay yiraahdaan madhici karto.
2. Dowlada Federaalka iyo qabiiladii Soomaalida qaarkood ayaa isfahmi la’, sababtoo ah wadanka cid is aaminaysaa majirto, ninkasta iyo tuuladii ayay noqotay, taasina waa mida usahlaysa dowladha deriska inay kalajiitaan, una tusaan DF Soomaaliya inay ku egtahay un Muqdisho.
3. Dowlada deriska waxay awoodaan inay Mucaaradyo kufuraan dowlada, kadibna wadanka kalago’o, taasoo reer galbeedkana dhinac kariixi doonaan hadii la’arko awood iyo kala danbeyn soo muuqata.
4. In Ethiopia iyo Kenya u arkaan Turkiga cadowgooda, loolan siyaasadeed iyo mid diina yimaado, cida kubadinaysana waa la ogyahay, waana Ethiopia iyo Kenya.
Madaxweynaha waxaa lagarabaa inuu caqli isticmaalo, wixii lid iyo qalalaase siyaasadeed keenayana iska ilaaliyo, sababtoo ah waa Madaxweyne. Dhagarta lala damacsanyahay mafilayo mid waqti dhow looga bixi karo inay jirto, dadka Soomaalida waxay kumashquulsan yihiin reer hebel iyo reer hebel. Waa in uu Hassan Sheikh kashaqeeyaa siduu dadka gobolada Jubooyinka ukasban lahaa, runtiina waa awood aad uwayn mida Kismaayo maanta kajirta sidaan ognahay, ciidan ahaan iyo siyaasad ahaanba.
asc aniga waxay ila muuqataa in arrinta jubooyinka lagu xalin karo oo kaliya arrimaha soo socda oo kala ah. A-in marka hore madax weynaha u raadiyo xal nabadeed oo u la galayo mucaaradka ka soo horjeeda isagoo u marayo wado kasta oo arrintaasi lagu gaari karo si kastaba ha ahaate haddii ay taasi hirgasho waxaa mesha ka baxaya in dhammaan huwanta waddankayaga xaaranta ku haysta isaga baxaan B- haddii ay taasi dhici weyso in madaxweynuhu u raadiyo xal isagoo isku dayayo in lakulmo isbahaysiga qabtay magaalada kismaayo marka laga rebo kenyaanka llana galo heshiis hoosaad kadibna meel looga soo wada jeesto sidii ay ku bixi lahaayeen kadibna xiriirka loo jaro dowlada kenya C-in la xoojiyo oo la tayo galiyo ciidamadii xogga dalka soomaaliyeed si ay u hantaan dhammaad dalka oo dhan iyo ammaankiisa
Waxaan qabaa in la siiyo wakhti hawlaha socda oo aan la mucaaradin. Madaxweynuhu shacabka waa u dhaxeeyaa hana ku kalsoonaado dadyowga hadda ku hawlan arrimahan maamul u sameynta JUBOOYINKA. Haddii loo gediyo qaab qabiill waxaad fogeynaysaa kalsoonidii shacabka, isla markaasna abuuri kartaa iska hor imaad iyo qalalaase. Haddii loo arkay in KIINYA iyo IGAD ay dano ka leeyihiin waxaan qabaa ” sidii horey Soomali ugu Maahmaahday KAADI BADANE WAA LOO GOGOL BADIYAA” in la sugo oo la darso danahaasi meesha ay salka ku hayaan. Haddii ay u muuqato in dhulkeenna la boobayo waxaa nin waliba ku waajib ah inuu difaaco oo u dhinto balse haddii ay tahay geeddi socod nabadeed iyo in laga saaro dhibaatada JUBOOYINKA oo shacabka lagu soo celiyo awoodda gacantooda waa in aan la mucaaradin. Ogow arrintaan waxay u baahan tahay ka fiirsasho dheer oo ah in aan shacabka soomaliyeed la fogeyn oo aan la isku jiid jiidan maamul u samaynta JUBOOYINKA.
ALSHABAAB muddo badan ayay haysteen JUBOOYINKA dhaqaalaha ka soo baxa Gobolkana aan la ogeyn meesha ay aadaan. Dhibaatooyin badan ayay ku hayeen umadda Soomaliyeed oo si kastaba loo ragaadiyay, noloshii degaankana hoos ugu dhacday. Muddooyinkaas ay joogeen ALSHABAAB dawladi ma soo hadal qaadin rajana kama qabin inay u sameeyaan MAAMUL. In muddo ah ayaa waxaa socday shirar iyo isu imaad looga hadlayo sidii Alshabaab loo saari lahaa loona xoreyn lahaa degaamada Jubooyinka. Ogow waliba in weli aysa fari ka qodnayn xorynta dhamaan JUBOOYINKA IYO GEDO oo dagaal culus lagu jiro. Waxaa haddaba haboon in dhamaan laga wada hadlo si guud oo garbo siman ah loola dagaalamo Alshabaab lana xoreeyo deegaamada. Madaxweyne Xasan Sheekh wax badan ayaa ka horeeyay oo socday yaanu noqon Go’aankiisa Ku Meel gaarkii waa laga baxay anigaa la i doortay ee wax waliba La’aantay fulimaayaan. Arrintaas waxa keliya ay abuuri kartaa mugdi iyo kala fogaansho iyo wada shaqayntii oo curyaanta. Hadaan Madaxweynuhu maanta awood badan aanu ku lahayn dalka oo idil inuu la shaqeeyo shacabka waa lama huraan si ay u soo laabato dawladnimadii iyo qaranimadii haddii kale ninna xoog laguma maquunin karo ee dib uun baa loo sii dhicin. Ka FIIRSO MUDANE MADAXWEYNE. Don’t push a hard ball.
Asc
Saaxiib aragtidaydu waa.
Kenya dhul aynu leenahay maqaadan karto, haday damacdana waynu iska celin, waa hadii aynu midnahay inaga somalida ah.
Waxay ilatahay kalsoonida shacabka dagan Juybada hoose gedo iyo jubada dhexe dawladu yasan dhaawicin si intaynu kalaqaybsanno shacabkaasi aysan u qaadanin figrad ah USC (Hawiye) 1991 gii cadaawadii uu idinkula dagaalamay ayaa wali kuijrta oo sadexdaa gobal dadka dagan in ay beel ahaan isu raacaan ayay diidanyihiin. Arintaas ayay daka daaroodka ah ay majoratigiisu dareemayaan. Waayo waa la ogaolyahay maamulgobaleed Gado Bay iyo Bakool ah lamana ogolala gedojubada dhexe iyo jubada hoose, halka laogolyahay jubooyinka iyo marka in ay midoobaan.
Waxaan leeyahay madaxwaynuhu culays hasaaro sidii xamar iyo nawaaxigeedu, soomaali ugu soo noqon lahayd, oo nabad looga dhigi lahaa, kadib anigu wax walba in aynu ka guulaysan ayaan qabaa. Daarood erinta iyo faquuqidda xamar hajoojisso, dawladana waa lawada leeyahay ee beesha sadexdii musharax ee udanbeeyay islahaysiinta qarankii soomaaliyeed hajoojisso. Ree Gedo hafahmaan ayaan leeyahay sawirka guud ee dhinac yar uun yasan ka fiirinin sawirka . Kenya walwalbadan hakaqabin hadaynu inagu midnahay waynu iska celin karraa
Asc
ac
22 sano oo dagaal sokeeye ah soomaali waxay dhaxalsiisay in cadow laysu kaashado.Ethiopia,Kenya,Uganda,Burundi,Jabuti,Marayka,Israel,Alqacida,Ereteria,Sudan,Turkey,Masar iyo dowlado kale oo badan ayaa soomaaliya faraha kula jira. Ilaa hadana lama hayo urur soomaaliyeed oo dhexdhexaad ah oo si sax ah uga tarjuma danaha ummada soomaaliyeed. Taasi waxay dhaxalsiisay ummada soomaaliyeed in qabiilba quwad shisheeye hoos tago quwadaa uu hoos joogo mooye inta kelana uu diido.
Dowlada cusub waa laba mid. in ay noqdaan dad xal raba wadaduna waa cadahay iyo in ay arkaan jaanis ay uga faaiidayn karaa qabaailkooda iyana natiijadeeda waan naqaan.
waxaan eegi doonaa dowladu wadada ay qaado iyo qaabka ay u maarayso dhibka jira.
Anigu waxaan dowlada kula talin lahaa in aysan qabiil ama urur u xaglin ee ay abuurto jawi ummada soomaaliyeed isku aaminto dibna isagu soo noqoto, waxaana waxa kaliya ee fashilin kara cadowga iyo waxa uu maagan yahay.
wc
waxay ila tahay
1-dawlada ayaa ka mas uul ah khaska waayo Gobolkasta waxaa ka socda in laga baaranayo khayraadka dhulka matalan s-land,puntland,galmudug waxaa wada baaraya shirkado shisheeye oo offshores ah,haday noqonoto Saliid,Macdan,iyo kheyraad badeedba,marka waa su aale maxay kuwaas ula xisaabtami lah’dahay oo ay ugu mashquushay jubooyinka?
2-Adduunka majirto wax la yirrahdo in dhul la iska baarto wax wax walba waxaa la waafajiyaa Qaanuunka u dagsan UN-ta marka markasta waa khasab in la soo maro Dawlada Somaliya,laakiin waxaa meesha ku jira waa in lagu heshiin la’yahay Qiimaha ay joogaan Jubooyinka?
3
3-
3-waxaa meesha ka jira Ethiopia ayaa 22sano ee ugu danbeeyey waxay ku guulasatay inay s-land iyo puntland ka dhigato ilo dhaqaale iyo kuwo nabadeed,waayo waxay ku guulaysatay:
1-inay isticmaasho Dekedaha labadaas Gobol oo ay lacag la’aan wax kula soo degto,iyo canshuur la’aan.
2-inay qiimo badan ka hesho ama saarato canshuur dheeraad ah isu socodka Badeecadaha iyo dadka ay lacag la’aanta u heshay.
3-inay ku sugto amaankeeda oo ay sidaas ku hesho Lacag iyo Amaan.
4-20sano waxay sidaas kor ugu qaaday 47%kiiba dhaqaalaheeda waa taas midda ay keenyana rabto hadda