UNHCR Oo Sacuudiga Uga Digtay Tarxiilka Soomaalida
Geneva (GMN) – Hay’adda Jamciyadda Qurumaha ka dhaxaysa u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR, ayaa ugu baaqday dalka Saudi Arabia inuu joojiyo Masaafurinta uu ku hayo Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan wadankooda.
UNHCR ayaa ka dalbatay Dowladda Sacuudiga inay Soomaalida u sameyso Deegaanno ay ku noolaadaan maadaama ay dhibatooyin ka jiraan gudaha wadanka Soomaaliya oo ay markii horaba kasoo carareen.
Afheyeen u hadashay Hay’adda UNHCR oo lagu magacaabo Melissa Felemin ayaa sheegtay in ay Dowladda Sacuudiga oo qani ku ah dhinaca Shidaalka ay wadankeeda ka soo masaafurisay 2,000 oo Muwaadiniin Soomaali ah Labadii bilood ee ugu dambeysay islamarkaasna ay dib ugu soo celiyeen Magaaladda ay dagaalladu ragaadiyeen ee Muqdisho.
Mss. Felamin ayaa intaasi ku dartay in wadamada Deriska la ah Soomaaliya looga baahan yahay inay Deganaansho Sharci ah siiyaan Shaqaalaha Soomaalida iyo Kuwa Magan gelyo doonka ah tan iyo inta ay ka hagaageyso Xaaladda Magaalada Muqdisho oo ay inta badan dadku dhibaatooyin kala kulmaan maadaama xilliyada qaarkood ay dagaallo ku dhex maraan Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Kooxaha Mucaaradka.
Afheyeenka u hadashay Hay’adda UNHCR ayaa ugu baaqday Masuuliyiinta Boqortooyada Sacuudiga inay ka fogaadaan Masaafurinta ay ku sameyn doonaan Mustaqbalka Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadankooda ,madaama ay rabshado ka jiraan gudaha Magaalada Muqdisho ee Caasimadda wadanka Soomaaliya.
Haweeneyda u hadashay hay’adda Qaxootiga u qaabilsan Qaramada midoobay ee UNCHR ayaa hoosta ka xariiqday in 1,000 ruux oo Soomaali ah ay Dowladda Sacuudiga kasoo masaafurisay dalkeeda Bishii June, ee lasoo dhaafay islamarkaasna ay Bishan July gudaheeda soo masaafurisay 1,000 kale oo Soomaali ah kuwaasoo u badnaa haween u dhashay dalka soomaaliya.
Inta badan dadka ay soo masaafurisay Dowladda Sacuudiga ayaa la sheegay inay horay uga baxsadeen Colaadaha, Rabshadaha iyo xadgudubyada ka dhanka ah dhinaca bani’aadaninimada, ee ka taagan dalka sida laga soo xigtay warbixin ay hay’adaha aan Dowliga aheyn u gudbiyeen Qaramada Midoobay.
Muwaadiniintaasi ay dalkeeda kasoo masaafurisay sacuudiga ayaa waxey sheegeen inay kasoo jeedaan Gobollada Koofurta iyo bartmaha Soomaaliya islamarkaasna ay dalka Sacuudiga u aadeen inay ka shaqeystaan, si ay u badbaadiyaan Noloshooda
C/risaaq C/laahi


Dhamaan waad salamantihiin:
Anigu argtidaydu waa ay ku saxsanyihiin dowlda sacuudiga inay ka masaafuriso qofkii sharci daro ku jooga wadankooda. Waxaa haboon markii latarxiilayo dadkan inay u tarxiilaan gobolada ay kayimaadeen. Dadkan sharci darada ah waxay khalkhal u keeni karaan amaanka wadankooda. Ugu danbayn waa in lataageero talaabo kasto oo sharci ah.
sucuudi dowlad ma ah ee waa reer meeldagan oo aan lahayn wax nadaam ah iyo sharci midna waa sida yahooda oo kale waxay faafiyaan fidno iyo dagaal marka haday somali tagto iyo hadiikalaba wax ay u dhimayso maleh amaan kooda ,lakiin somali waa in laciqaabaa oo ay lakulmaan dhibaato say dalkooda u jeclaadaan