Jabuuti: oo quburo ciidan Somalia u diraysa.
Jabuuti-(GMN) Safiirka Jabuuti u fadhiya dalka Soomaaliya Dayib Dubad Rooble ayaa sheegay in Jabuuti ay u direyso Soomaaliya khubarro ciidan oo dowladda Soomaaliya ka caawiya dhinacyada tababarka ciidamada, balse aany soo direynin ciidamo gaaraya hal Batalyan oo la sheegay inay Jabuuti u soo dirayso Soomaaliya
Dowladda dalka Jabuuti ayaa markii ugu horeysay waxa ay sheegtay in ay Soomaaliya u dirayso khubarro ciidan oo tababar siiya ciidamada dowladda KMG Soomaaliya, balse aany ciidamo fara badan u direynin dalka Soomaaliya.
Safiirka ayaa wuxuu iska fogeeyay wararka sheegaya in Jabuuti ay Soomaaliya u direyso ciidamo gaaraya 1500 askari, wuxuuna sheegay in tirada ciidamo ee ka socda Jabuuti aany intaas dhameyn oo ay noqon doonaan tiro yar oo ku koobnaan doonta gacan siinta ciidamada dowladda KMG Soomaaliya, gaar ahaan dhinaca farsamada oo kaliya.
Mr. Dayib waxa kale oo uu sheegay in dowladda Jabuuti ay taageerayso ciidamo ka socda dalalka Midowga Afrika oo loo soo diro dalka Soomaaliya, si ay gacan u siiyaan dowladda KMG Soomaaliya.
Safiirka ayaa mar la weydiiyay goorta ay dirayaan ciidamada khubarada ee ka socda dalkiisa ayaa waxa uu sheegay in iyaga qudhooda ay ku xirnaan doonto xilliga ay dowladda KMG Soomaaliya ay weydiisato ciidamadaasi, balse si kale aany ku direynin ayuu yiri Safiir Dayib.


Recent Comments