Burcad-Badeed Markab Siidaysay
Somalia (GMN) Dablay Badeed Soomaali ah ayaa sii daayay Markab xamuul oo laga leeyahay dalka Turkiga iyo 21-badmaaxeyaal oo la socday Markabkaasi, sida ay sheegeen Saraakiisha Mariiniska.
Ciidamada badda Midowga Yurub ee ka howl gala Xeebaha Soomaaliya ayaa Maanta oo Khamiis ah xaqiijiyay in ay Kooxda burcadbadeedda Soomalida sii daayeen Markab xamuul oo laga leeyahy dalka Turkiga kaas oo ay Kooxda burcadbadeeddu gacanta ku dhigtay 23-ka bishii March ee Sanadkaan.
Markabkaan oo lagu magacaabo MV Friga ayaa waxaa ka babanayay Calanka Jasiiradda Maalta ,iyadoo ay saarnaayeen Shaqaale gaaraya 21-Badmaaxeyaal ah oo ay Labo ka mid ah u dhasheen wadanka Ukrain halka ay 19-ka kalena ahaayeen muwaadiniin u dhalatay Dalka Turkiga, waxaana Markabkaasi laga afduubtay meel qiyaastii 1000 Mile dhinaca bari kaga beegan Woqooyiga Xeebaha Soomaaliya.
Niilgaan Yamaaner oo ah Qareen ku hadlashay Magaca Milkilaha Markabkaasi ayaa Television-ka CNN ee dalka Mareykanka u xaqiijisay in Markabkaasi la sii daayay kadib markii wadahadallo lala galay Kooxaha Burcadbadeedda Soomaalida, inkastoo aysan carabaabin in laga bixiyay lacag Madax furasho ah iyo inkale.
Waxa ay Haweeneydu intaasi ku dartay in dhammaan Shaqaalihii saarnaa Markabkaasi ay xaaladdooda caafimaad aad u wanaagsantahay islamarkaasna uu Markabka dib ugu laaban doono gudaha dalka Turkiga.
Markabkaan Xamuulka ah ee laga leeyahay wadanka Turkiga ayaa waxaa gacanta ku dhigay Kooxaha Burcadbadeeda Soomaalida,xilli uu ka yimid Israa’iil isagoo ku sii jeeday dalka Thailand.
C/risaaq C/laahi
Related posts:


