Muwaadin Soomaaliyeed Oo Ku Dhintay Shil-Dayuuradeed ka Dhacay Dalka Pakistan
Islamabad (GMN) – Ruux Soomaali ah, ayaa la xaqiijiyey inuu ka mid ahaa rakaabkii ku dhintay Shilkii Dayaaradeed ee shalay ka dhacay Caasimadda dalka Pakistan ee Islamabad
Airblue oo ay leedahay shirkadda diyaaradaha dalka Pakistan ayaa ka soo kacday garoonka diyaaradaha ee magaalada Karachi, waxaana ay burburtay wax yar kahor intii aysan cagadhigan garoonka diyaaradaha ee magaalada Islamabad, iyadoo ku dhacday meel duleedka ka ah magaalada Islamabad ee xarunta dalka Pakistan.
Dadka geeriyooday oo gaarayey ilaa 152 ruux, ayaa waxaa ka mid ahaa muwaadin u dhashay dalka Soomaaliya oo ah ganacsade laguna magacaabi jiray Bashiir Barre Samatar oo ka tirsanaa Shirkad ka howlgasha degaannada Puntland, halka talefishinka Jaziira uu ka sheegay in loo maleynayo in shilkaasi ay ku dhinteen labo ruux oo Soomaali ah.
Dadka ku dhintay shilka ayaa waxaa sidoo kale ku jiray muwaadiniin u kala dhashay waddamada Maraykanka iyo Pakistan iyo dad aan weli dhalashooyinkooda si rasmi ah loo sheegin.
Madaxda Dowladda Pakistan, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehelada dadkii ku dhintay Shilkaasi
C/risaaq C/laahi
Related posts:


