Boqor Buurmadow : Shariif Ha is Casilo”
Mogadishu (GMN) – Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadoow oo ka mid ah boqorada Somaliland ayaa nasiib daro ku tilmaamay mudo Labaatan sano ka badan dagaalo ka sii socdaan magaalada muqdisho isagoo dhinaca kalan ugu baaqay madaxweyne Shiekh Shariif Shiekh Axmed in uu xilka iskaga dego
Boqor Buurmadow oo wareysi siiyey idacada Horn Afrik oo dhinacyo badan taabanaaya ayaa waxaa uu walac ka muujiyey xaalada somalia uu xiligaan ku sugan yahay.
waxaan uu ku tilmaamay dhibaatada shacabka somalia ee magaalada muqdisho ku dhamaanaaya xiligaan in ay tahay mid ayaan daro ah
Boqor Cusmaan mar uu ka hadlaayey arinta jamhuuriyada la magacbaxday somaliland waxaa uu sheegay in uu soo dhoweynayo isbedaladii ka dhacay dhowaanahaan somaliland balse waxaa uu sheegay in aan lagal tashan waxyaabaha socda iyo weliba sida loo dhisayo xukumadii uu dhawaan ku dhawaaqay Axmed siilaanyo.
hadalka boqor buurmadow ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa xili xaalado ay ka taagan yahiin somaliland iyo weliba Koonfurta dalka somalia
boqor buurmadow waxaa uu ka mid yahay saladiinta faro ku tiriska ee reer somaliland oo xoioga saarta arimaha Koonfurta dalka somalia
Wareysiga oo dhinacyo badan taabanaaya ka dhageyso goor dhow Gedoonline oo markasta kaa xaqab tira halka ay marxalada dalka ay mareyso.
Max’ed C/llaahi Sabaax
Muqdisho-Somalia
Related posts:


