Mudanayaal Laga Eryey Barl. Puntland
Garoowe (GMN) – Kalfadhiga Golaha Baarlamaanka xukuumad goboleedka Puntland oo ay ka soo qeyb galeen 30-Mudane isla markaana uu goob joog ka ahaa Madaxweyne C/raxmaan Xaaji Max’ed Faroole iyo xubno ka tirsan Dowladda Puntland, waxaana fadhigii uu yeeshay Baarlamaanka ay xilkii ka qaadeen saddex mudane oo xil ka qaadistooda loo cuskaday qodobo dhowr ah.
Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa cod u qaaday in xilka laga qaado saddexda mudane oo magacyadoodu kala yihiin: Ibraahim Max’ud Guure, Axmed Jaamac iyo Cumar Jaamac Ismaaciil, hase yeeshee 26-Mudane ayaa ogolaaday xil ka qaadista, halka 22-Xildhibaan ay diideen xil ka qaadista, 4-Mudane ayaa iyaguna ka aamusay mooshinkaasi la soo hor dhigay.
Qodobada loo cuskaday xil ka qaadista saddexda Xildhibaan ayaa kala ahaa: dhowrid la’aanta awaamiirta Baarlamaanka, inay ka qeyb galeen shirar ay lahaayeen ururka SSC oo lagu eedeeyay inuu kala qeybinayo Puntland, isla markaana doonayo inuu maamul uga dhawaaqo gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn.
Kulanka Baarlamaanka Puntland uu yeeshay shalay iyo saddexda mudane ee xilka laga qaaday, waxaa ka hadlay mid ka mid ah mudanayaasha xilka laga xayuubiyay, waxa uuna sheegay in tallaabadaasi ay ka dambeeyeen shaqsiyaad ka tirsan Baarlamaanka oo uusan carabaabin magacyadooda, kuwaasi oo uu ku eedeeyay inay u adeegayaan dano ka baxsan Puntland
C/risaaq C/laahi
Related posts:


