Qadaafi Oo Dhinacyada Soomaalida Kula Taliyey Wadahadal Faragalin La’aan ah
Kampala (GMN) – Madaxweynaha wadanka Libya Col Mucamar Al-Qadaafi ayaa sheegay in xalka Somalia xilligaan ay adag tahay in wax laga qabto arrimaha murugsan ee ka jira wadanka Somalia.
Col Qadaafi waxaa uu sheegay xilli uu war kooban siiyay warbaahinta kadib markii uu soo gabagaboobay shirkii madaxda Africa ku yeesheen magaalada Kampala ee xarunta wadanka Uganda ayaa waxa uu sheegay in xilligaan ay adag tahay in si toos wax looga qabto arrimaha murugsan ee ka jira wadanka Somalia taasoo uu ku sababeeyay in dhinacyada ka dagaalama Somalia gaar ahaan Xarakadda Mujaahidiinta Al-Shabab aysan la mid aheyn dagaalyahanada kale ee dunidaan ka dagaalama.
Mr Qadaafi waxaa uu sheegay in xaalada Somalia ay tahay mid ka timid fara galin shisheeye oo si toos ah asagoona intaa sii raaciyay in madaxda Al-Shabab ay yihiin kuwo aan ogoleyn inay wax wada hadal ah la galaan xukuumadda KMGS taasoo uu ku sheegay inaysdan suuro gal ka dhigeyn in xal loo helo arrimaha wadanka Somalia.
Madaxweynaha dalka Libya waxaa uu tilmaamay in Xag jirnimada Al-Shabab ay sababi karto in dagaalo dhiig badan ku daataan ay ka dhacaan Somalia waxaana uu xusay in xalka Somalia ku jiro in ay wada hadlaan dhinacyada Somalida oo ka madax banana fara galin shisheeye sida uu hadalka u dhigay.
Hadalka Madaxweynaha Libya Col Mucamar Al-Qadafi ayaa waxaa uu imaanayaa xilli madaxda Africa ay ku yabooheen ciidamo la keeno Somalia si ay dawlada uga caawiyaay weeraro hujuun ah oo ay ku soo qaadeen dagaalyahanada Islaamiyiinta ah ee Somalia ka dagaalama
C/risaaq C/laahi
Related posts:
- Congress-ka Maraykanka Oo Ku Taliyey In Eritrea Lagu Daro Liiska Argagixisada
- Prof. Dhalxa Oo Ku Taliyey In Talaabo Laga Qaado Askarta Dhibatada Ku Haysa BL-ka
- Shariif Xasan Oo QM Kula Shiraya Nairobi
- Congress-ka Maraykanka Oo Mushkiladaha Somalia u Saariyey Farogelinta Deriska
- M. Africa Oo Dejinaya Shax Militeri Oo Ka Dhan ah Xoogaga Al-Shabaab


