Custom Search
 
|

Maxkamadda Caabudwaaq Oo Hawlaheeda u Hakisay Bisha Ramadaan Awgeed

Cabudwaaq (GMN) – Iyadoo mudooyinkii ugu dambeeyey ay si aad ah u soo badanayeen dacwadaha la xiriira xagga lahaanshiyaha Dhulka ee Degmada Caabudwaaq, ayaa maamulka Ahlu Sunna waxa uu ka dhawaajiyey inuu gabi ahaanba joojiyey dacwadaha la xiriira arintaasi.

Ciidamada nabad galyada ee Degmadaasi, ayaa maalmihii ugu dambeeyey halkaasi ka waday hawlgalo baaxad leh, taasi oo ay u riyaaqeen dadka reer Caabudwaaq.

Sababaha ay haatan u hakiyeen Maamulka Ahlu Sunna dhagaysiga Dacwadahaasi ku saabsab is qabqabsiga xagga dhulka ee Dowladii dhexe, ayaa lagu macneeyey fadliga Bisha Barakaysan ee Ramadaan aawadeed, sida lagu xusay bayaan kasoo baxay Maxkamadda Degmada Caabudwaaq

Maamulka, ayaa marar badan ku guulaystay inay xaliyaan khilaafaad dhinaca dhulalka la isku haysto ah oo in muddo ah soo jiitamayey.

Degmada Caabudwaaq ee Gobalka Galgaduud, ayaa ka mid ah deegaanada sida weyn looga taageersan yahay Dhaqdhaqaaqa Ahlu Sunna oo ka mid ah Ururada Hubaysan ee ka jira dalka Somalia.

Gedo Online News Desk

Gedoonlinenews@gmail.com

  • Share/Bookmark

Related posts:

  1. Qorshe Maamul u samayn oo ka biloowday Caabudwaaq.
  2. Isgaarsiinta caabudwaaq oo cadi ku soolabatay iyo Amaro la duldhigay.
  3. Ahlu Sunna Oo Hawada Ka Saartay Isgaarsiintii Dhuusamareeb
  4. Abuu Yuusuf Oo Ka Digay Olole Lagu Sumcad Dilayo Ahlu Sunna
  5. Ahlu Sunna Oo Deegaanada ay Ka Taliyaan Ka Mamnuucday Hubka Sharci Darada

2 Responses for “Maxkamadda Caabudwaaq Oo Hawlaheeda u Hakisay Bisha Ramadaan Awgeed”

  1. dhaadeey says:

    gedoonline saad u fiic neeyden ayaad maanta ban jarteen runtii gedoonline waa wabsed aan aad ugu xir nahay laakiin marar qaar ayaan ku ar kaa warar aan la yaabo hada waxa aad joogtaan ba maamulka barakeysan ee culumo,owdinka ahlusuna waljamaaca ayaad maanta ku til maam teen urur ka mida ururada hubeysan ee somaliya ka jira ahlusuna urur maahan urur waxaa ah ururada ku xiran alqaida ee shayaadiinta shbaab shegta iyo xisbul sheydaan maarka maamulka ahlusuna waa culumo deegaan mana ahan urur waa maamul aduunka laga yaqaan oo alqaida iska dhacshay looguna hanbal yeeyay marka iska daaya walaal yaal in aad dadka somaliyed mara habaabisaan
    ilaah ahlusuna ha guuleeyo aamiin
    dinka ala weey xoreen doo naan guud ahaan somaliaya soon in shaa alaah

  2. sh azhari says:

    asc walalayaal wad nahad santihin webka gedoonline waxana idinkutageraynaa sida aad ula shaqaysaan maamulka ahlusunna waxa cilad noqotay magaca aad marar ka u isticmashaa culimada ahlusunna waljamaaca mide kale waxad so gud bisaan wax qabadka ahulusuna mada maa ad ka so jedaan beesha degta caabudwaaq waxana idinka codsanaynaa in ad la xiriritaan madax da culimada ee degmada ood waraysiyaashoda so daysaa wabilaahi toowfiiq

Leave a Reply

Anti-Spam Protection by WP-SpamFree