Custom Search
 
|

M/Africa Oo Diiday Dalabkii Y. Moseveni

Kampala (GMN) – Madaxa Ururka Midowga Africa, ayaa gaashaanka ku dhuftay dalab dhawaan kasoo yeeray Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Moseveni oo ahaa in Ciidamada Nabad Ilaalinta ee AMISOM laga dhigo Nabad Dhaliyeyaal.

Madaxda Ururka Midowga Afrika ayaa carabka ku adkeeyey in marnaba aysan socan karin wax tallaabo dagaal ah oo nabad lagu keenayo hayeeshee wax waliba ay doonayaan in ay ku dhameeyaan wada hadal iyo dib u heshiisiin.

Go’aamadii Shirkii Kampala ayaa waxaa lagu shaaciyey in Somalia loo diro ciidamo dheeri ah oo gaaraya 4-kun oo askari isla markaasina 2kun kamid ah deg deg loogu hormariyo, sida uu qorshuhu yahay.

Madaxweyne Museveni oo ciidamada ugu badan dalkiisa ay ka joogaan Somalia, ayaa dhowaan codsaday in Ciidamadiisa uu doonayo in loo fasaxo weerar in ay qaadaan si ay meel u saaraan kooxda Alshabaab oo ay warkooda u soo afjaraan kadib markii ay dhowaan weerar ka geysteen gudaha Kampala.

Dalalka Africa ayaa qorshaynaya in ciidamo kale oo dheeraad ah ay ku kordhiyaan ilaa 6000 oo askari oo haatan Caasimadda Somalia ee Muqdisho kula dagaalama xoogaga Al-Shabaab ee doonaya inay majaraha u laabaan Dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Shariif Sheikh Axmed oo mar ahaan jiray hogaamiyahooda sanadkii 2006

C/risaaq C/laahi

Gedoonlinenews@gmail.com

  • Share/Bookmark

Related posts:

  1. Shirkii Madaxda Africa oo goordhow furmaya.
  2. K/Africa Oo Dayuurado & Maraakiib u Diraysa Dekadaha ay Maamulaan Shabaab
  3. Shir-Madaxeedka M/Africa Oo Ka Furmay Kampala & Ammaanka Oo La Adkeeyey
  4. Amaanka Kampala Oo La Adkeeyey
  5. M/Africa Oo Cambaareyey Qarixii Uganda

Leave a Reply

Anti-Spam Protection by WP-SpamFree