Custom Search
 
|

Barakac & Baqdin Dagaal Oo Ka Jirta Deegaano Hoostaga Gobalka Hiiraan

B/weyn (GMN) – Wararka ka imaanaya Gobalka Hiiraan, ayaa sheegaya in dhaqdhaqaaqyo ciidan ka dib ay shacabka ku dhaqan deegaanada Gobalku ay bilaabeen inay ka barakacaan, si ay uga fogaadaan waxyeelo ka dhalan karta dagaalo halkaasi ka qarxa.

Deegaanada baqdinta dagaal iyo barakaca uu ka jiro ayaa waxaa ka mid ah deegaanka Bacda, Kalabeyr iyo qeybo ka mid ah Magaalada Baladwyene, halkaasi oo ay ka jiraan dhaqdhaqaaqyo militeri oo laba dhinac ah.

Ciidamo ka tirsan Dowladda ayaa isku urursanaya degmooyinka Mustaxiil iyo Feer Feer ee xadka Gobalka Hiiraan, iyadoo ciidamada Al-Shabaab ee gacanta ku haya Gobalkaasina ay isku diyaarinayaan weerar ay kala hortagaan duulaan kaga yimaada dhanka Dowladda.

Qoysas badan ayaa alaabadooda ka xirxirtay deegaanada ku dhow halka loo yaqaano kala beyrka oo ah meesha ugu daran ee Ciidamada Ethiopia ay caadaysteen inay kasoo galkaan xadka Gobalka Hiiraan uu la leeyahay dhulka Ismaamulka Soomaalida Ethiopia.

Maxamed C/laahi Sabaax

gedoonlinenews@gmail.com

  • Share/Bookmark

Related posts:

  1. Baladxaawo : Barakac & Baqdin Dagaal
  2. Ciidamo Ethiopian ah Oo Soo Buux Dhaafiyey Xadka Gobalka Hiiraan
  3. Ethiopian Soo Buux Dhaafiyey Feer Feer
  4. Bakool: Barakac & Baqdin Dagaal
  5. Xiisad Dagaal Oo Ka Jirta Buuhoodle

Leave a Reply

Anti-Spam Protection by WP-SpamFree