Custom Search
 
|

Daladda Ex-Banadir Oo Soo Dhawaysay In AMISOM Laga Dhigo Nabad-Dhaliyeyaal

Mogadishu (GMN) – Daladda ururada bulshada rayidka ee Ex Banaadir ee uu hogaamiyo Muxuidiin Xasan Afrax ayaa soo dhoweeyey go’aanadii ka soo baxay shirkii Midowga Africa ay ku yeesheen caasimadda Uganda ee Kampala.

Godomiyaha urada bulashada rayidka ee dagaanada ex-banaadir Muxudiin Xasan Afrax ayaa kadib kulan daladaasi ay kuyeesheen xafiiskooda muqdisho waxaa uu saxafada u sheegay inay shirkaasi ku taageerayaan go’aamadii kasoobaxay shirarkii midowga afrika ugu soo gabagaboobay kaasi oo ay kasoo baxeen qodobo dhowr ah.

Muxiyidiin Xasan Afrax ayaa sheegay inay soo dhaweeynayaan in ciidamo dheeraad ah lakeeno somaliya kuwaasi oo xusay in loo baahan yahay in laga dhigo nabad dhaliyaal halka ay markii hore ka ahaayeen nabad ilaaliyaal.

Si kastaba ha ahaatee midowga afrika ayaa horay somalia ugu yaboohay tiro dhan 8000 askari oo loogu magac daray nabad iliyaaha somaliya afrika iyadoo hada ciidamadaasi ay somaliya ka joogaan kudhawaad 6000 askaro oo kala socda dalaka Ugandha iyo Burundi kuwaasi cagaha la galay dagaalada u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo xoogaga hubeysan ee kasoo horjeeda.

iyadoo dowaladda KMG ay masuliyiin u hadashay ay dalbadeen in ciidamada lasoo kordhiya sida ay markale balan qaaden midowga afrika kulunkii Urur-gobaleedka IGAD ku yesheen magalada Adis abab ee dalka Ethopia waxaana kulanka midowga afrika ugu soo idlaaday magaalada Kanpala hada u muuqdaa mid lagu sii taabo gelinayo go’aamadii IGAD ee horay uga soo baxay kulankii Adis ababa.

Ma jiro waqti cayiman oo la qabtay in ciidamadaas lagu keenaayo Somalia  

Max’ed C/llaahi Sabaax

Maxamedsabaax@yahoo.com

Muqdisho-Somalia

Gedoonlinenews@gmail.com

  • Share/Bookmark

Related posts:

  1. DKMG ah: Waa in ciidmada AMISOM loo badalaa nabad dhaliyayaal.(Maqal)
  2. UK Oo U Riyaaqay Xilli Kordhinta AMISOM
  3. Qeylo Dhaan Laga Muujiyey AMISOM
  4. AMISOM Oo Dafirtay Taangi Laga Gubay
  5. Nabad-Ilaaliyeyaal Lagu Laayey Darfur

Leave a Reply

Anti-Spam Protection by WP-SpamFree