Askar Lagu Xiray Cape Town Ka Dib Dhac ay u Gaysteen Ganacsato Soomaaliyeed
Cape Town (GMN) – Shan ka mid ah Ciidanka Booliska ee dalka Koonfur Africa, ayaa xabsi la dhigay ka dib markii ay dhaawac u gaysteen ganacsato Soomaaliyeed oo ku nool magaalo xeebeedka Cape Town ee dalkaasi Koonfur Africa.
Sida ay ku waramayaan goobjoogayaasha Askartan, ayaa si xoog ah ku galay Dukaan ay lahaayeen Ganacsato Soomaali ah, iyagoo ku andacoonaya inay baarayaan Sigaar sharci darro ah oo lagu iibiyo dukaamadaasi.
Waxa ay durbadiiba ku amreen milkiilayaasha iyo shaqaalaha Dukaanka inay dibada uga baxaan si ay u gutaan waajibaadkooda baaritaaneed, iyagoo deetana fursad u halay inay si barer ah u qaataan lacago aan cadadooda la qiyaasin oo yiilay Dukaankaasi Soomaaliyeed.
Sarkaal u hadlay Boliiska Cape Town, ayaa qiray in shantaasi Askari ay ka tirsanaayeen Waaxda ka hortaga Dambiyada ee K/Africa, islamarkaana haatan xabsiga la dhigay wallow uusan carabaabin in la maxkamadaynayo iyo in kale.
Tallaabadan oo u muuqata mid ay ku farxi karaan ganacsatada Soomaaliyeed ee had iyo goor u nugul tacadiyo dhac iyo dilal xambaarsan oo ay kala kulmaan dadka South African-ka ah, ayaa hadana waxaa laga dhursugayaa sida laga yeelayo ciidankan dhaca la daba kacay Soomaalida
C/risaaq C/laahi
Related posts:


