Faahfaahin Laga Bixiyey Xildhibaanadda La Dhaariyey

Muqdisho(GMN)-Guddomoyaha Barlamaanka Soomaaliya Maxamed Shiikh Osmaan Jawaari ayaa faahfaahin ka bixiyey xildhibaanada la dhaariyey ee lagu muransanaa.

Jawaari ayaa sheegay in Guddi ay u saareen Xildhibaanadda la dhaariyey isla markaana ay soo ogaadeen waxyaabaha lagu eedeynayey.

“Xubnaha la dhaariyey ee hore loo diiday waxa ay xaq u yeesheen baaritaan ka dib inay ka mid noqdaan Barlamaanka” ayuu sheegay Mr Jawaari.

Guddoomiyaha Barlamaanka ayaa tilmaamay in ay haboon tahay in la qaato go’aankii Maxkamadda sare ee Dalka.

Xildhibaanadda Maanta lagu dhaariyey Golaha Barlamaanka ayaa waxaa ka mid ah , Maxame Qanyare Afrax , Sheekh Aadan Madoobe, Maxamed Ibraahin Xaabsade iyo Xubno kale.

Gedoonlinenews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Before you submit form:
Human test by Not Captcha

Don’t Take Blessings for Granted

Buuga Jaalle Siyaad oo la bandhigay

Jaalle Siyaad Book Event