Ciidamadda Iskaabaya Oo U Dhaqaaqay Warshiikh
Warshiikh(GMN)-Ciidamadda Dowladda Soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa AMISOM ayaa saaka u dhaqaaqay dhinaca Deegaanka Warshiikh ee gobbolka Sh/Dhexe.
Dadka deegaanka ayaa Gedoonline u sheegay in la arkayey ciidamadda Dowladda iyo AMISOM oo dabaabaadka dagaaladda ay u sii jihaysteen dhinaca Deegaanka Warshiikh.
Maxamed Maxamuud Sanay Taliyaha Guutada 1aad ee ciidamadda Dowladda ayaa sheegay in saacadaha soo socda ay gudaha u gali doonaan deegaanka Warshiikh.
Taliyaha ayaa sheegay in ciidamaddu ay socon doonaan ilaa ay ka gaaraan Magaaladda Jowhar ee xaruunta gobbolka Sh/Dhexe.
Dowladda ayaa wada qorshiyaal ay ku doonayaan inay kula wareegaan guud ahaan gobbolka Sh.Dhexe.
Gedoonlinenews@gmail.com


Recent Comments