Shabaab Oo Bandow Ku Rogay Baardheere
Baardheere(GMN)-Wararka laga helayo Magaaladda Baardheere Gobbolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in Degmadaasi uu Shabaab ku soo rogay Bandow.
Dad ku sugan Degmadda Baardheere ayaa sheegay in Askar ka tirsan Shabaab dadku ay ku amreen inay xiraan goobahoodii ganacsiga isla markaana ay yareeyaan dhaqdhaaqa.
3-ruux oo la sheegay inay jabiyeen amarka Shabaab ayaa la sheegay in xabsiga ay dhigeen Askarta Shabaab kuwaas oo ku jira Xabsiga DegmadA Baardheere.
Lama Oga sababaha ka danbeysay in Shabaab ay Bandow ku soo rogaan degmadda Baardheere hase ahaatee maalmihii ugu danbeyey waxaa jira guluf colaadeed oo ka taagnaa duleedka Degmadaasi.
Gedoonlinenews@gmail.com


Recent Comments