Radio Uu Leeyahay Shariif Oo Laga Hergalinayo Hargaysa
Hargaysa(GMN)-Wargeyska Yool oo ka soo baxa Maamulka Somaliland gaar ahaan Magaaladda Hargaysa ayaa bogiisa hore ku daabacay in Maamulka Somaliland laga hergalinayo Idaacadda uu leeyahaya Madaxwaynaha Soomaaliya Sheekh Shariif.
Wargeyska oo soo xiganaya Masuuliyiin ka tirsann Xukuumadda Siilaanyo ayaa tilmaamay in UJeedka Idaacadu ay tahay arimo la xiriira dano dhaqaalle iyo mid siyaasadeed.
Idaacaddan ayaa la sheegay inay u shaqayn doonto sida Radio Hargayso oo ku hadla afka Maamulka Madaxwayne Siilaanyo.
Wargayska ayaa sidoo kale waxa uu daabacay in qorshan aysan ka warhayn Wasaaradda Warfaafinta Maamulka Soomaaliland hase ahaatee ay ka war hayaan keliyo wasiiro iyo Madax sare oo uusan carbabin oo ka mid ah Xukuuumadda Siilaanyo.
Idaacad kale ayuu wargeysku sheegay in Madaxwaynaha Soomaaliya uu ka hergalinayo Magaaladda Badhan ee isla maamulka Somaliland.
Dhanka Maamulka Somaliland iyo Madaxwaynaha Soomaaaliy ayaa wali ka hadlin warkan uu daabacay Wargayska Yool oo ka mid ah wargeysyada Madaxbanaan ee ka soo baxa Magaaladda Hargeysa.
Source : Wargeyska YOOL
Gedoonlinenews@gmail.com


Recent Comments