Qarax Khasaare Ka Dhashay Oo Balcad Ka Dhacay
Balcad(GMN)-7-Caruur ah ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhinteen qarax ka dhacay Degmadda Balcad ee gobbolka Sh.Dhexe halka kuwo kalana ay ku dhaawacmeen.
GOob joogayaal ku sugan Degmadda Balcad ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhashay goob la dhigay waxyaabo qarxo halkaasi oo dhawaan lagala wareegay Xarakadda Shabaab.
Caruurta ku dhimatay qaraxa ayaa ahaa kuwa laga soo daayey dugsi ku yiilay mid ka mid ah xaafadaha Degmadda Balcad ee gobbolkaasi kuwaa soo ku cayaaray waxyaabaha Qaraxa.
Saraakiisha Dowladda oo ka hadlay qaraxa ayaa sheegay in ka hortagi doonaan in qaraxyo noocaan ah ay ka dhacaan gudaha Degmadda Balcad.
Degmadda Balcad waxa ay ka mid tahay meelaha laga saaray Al-Shabaab waxaan mararka qaar ka dhaca iska hor imaadyo dhexmara labada dhinac.
Gedoonlinenews@gmail.com


Recent Comments