Baardheere Oo Dad Lagu Xirxiray
Baardheere(GMN)-Goob Joogayaal ku sugan Degmadda Baardheere ee gobbolka Gedo ayaa sheegaya in halkaasi lagu xiray 10-ruux oo ka mid ah dadka deegaanka.
Dadka la xiray ayaa lagu eedeyey qaarkood inay xiriir la leeyihiin Saraakiisha Dowladda ee ku sugan Deegaanadda gobbolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya.
Dadka laga soo qab qabtay Xaafadaha kala duwan ee Degmadda Baardheere ayaa la dhigay Saldhiga Degamaddaasi.
Marar badan ayaa Shabaabka Degmadda Baardheere waxa ay xabsiga dhigeen dad ay ku eedeyeen dambiyo kla duwan.
Gedoonlinews@gmail.com


Recent Comments