Ururada Dhallinyarada Soomaaliyeed Oo Taageeray Musharaxnimada Cabdullahi Caddow
Mogadishu- Ururrada Dhalinyarada Soomaaliyeed daladohooda magaalada Muqodishu ayaa muujiyaya taageeradooda musharaxnimada mudanane Dr. Cabdullahi Axmed Caddow. Xubnaha iyo saraakiisha labada daladood ee ururada dhalinyarada Soomaaliyeed ee kala ah; Midnimo South and Central Youth Organization iyo Ururuka Dhalinyarada Dayax ayaa muujiyay taageerada ay u hayaan musharaxa ayagoo xaflad aad loo soo agaasimay ku qabtay Hotel Saxafi magaalada Muqodisho.
Labada urur ee xafladan iska kaashaday ayaa sheegay in kadib markay daraaseeyeen musharixiinta xil-doonkaa ay go’aan sadeen inay si rasmi ah u taageeraan Dr. Cabdullahi Caddow. “Waxaan u ragnay musharaxa ugu mudan xiligan inuu hogaanka qabto” sidaa waxaa yiri, Cabdimajid Baraare oo furay xafladii taageerada dhalinyarada ee musharax Dr. Caddow.
Ayagoo munaasabadii ka sheegay sababaha ay ku xusheen musharaxan ayay cadeeyeen inuu leeyahay aqoon iyo khibrad maamul uuna soo celin karo nidaamka dawligaa ee dalku baahida badan u qabto. Waxay intaa ku dareen inuu yahay shaqsi aan ka qeyb galin dagaalkii sokeeye iyo boobka hantida qaranka labadaba. Waxay ku tilmaameen in Dr. Caddow uu yahay hogaamiyaha xiligan Soomaaliya u baahan tahay ee soo celinkara sharaftii iyo haykalkii dowladnimo.
Axmed Nuur Salaad Kooshin oo horumuud u ahaa qaban qaabiyayaasha xafalda ayaa si kooban uga hadlay xiligan iyo sababta taageeradooda, waxaana uu yiri “waxaan ku taageernay oo kaliya inuu yahay mid samata bixin kara dalkan siyaasadaha jirana kamadax banana”. Waxaa ay dhalintu xooga saareen inay taageeradooda dul-dhigaan musharaxan ayagoo aqoonsan kaalinta adag ee dalinta Soomaaliyeed.
Fanaaniin iyo aqoonyahano si gaar ah loogu casuumay xafladan taageerda ayaa ayaguna muujiyay taageerada gaarkaa ee ay u hayaan musharaxnimada Dr. Cabdullai Caddow. Abuukaate Khaliif Xirsi Cali oo xafalda ka hadlay ayaa yiri “Soomaaliya haday u baahan tahay hogaamiye khibrad u leh; ciidan, dhaqaale, arrimo dibada, diplomasiyad isla markaana ah wadani daacad ah waa Cabdullahi Cadow”. Waxaana uu abuukaate Khaliif sheegay inuu tixraacay khibradii Dr. Caddow mudadii dheerayd ee uu ka soo shaqeeyay nimaadka dowligaa ee Soomaaliya.







Recent Comments