Dad Loo Soo Qabtay Qarax Ka Dhacay Beledwayne
Muqdisho(GMN)-Gudoomiye ku xigeenka Amniga ee gobalka Hiiraan Axmed Cismaan oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa faahfaahin ka bixiyey Qarax Khasaare geystay oo ka dhacay Magaaladda Beledwayne.
Axmed ayaa hoosta ka xariiqay in Qaraxaasi ay ka danbeyeen Al-Shabaab isla markaana ay dad rayid ah oo an waxba galabsan.
Guddoomiye ku xigeenka Ammniga Hiiraan ayaa tilmaamay in qaraxaasi ay u soo qabteen dad ay ku tuhmayaan.
Marka laga soot ago hadalka Maamulka Hiiraan ayaa hadana dadka goob joogayaasha waxa ay sheegeen in qaraxa ay ku dhinteen 2-ruux oo ka agdhawaa halka uu qaraxa ka dhacay.


Recent Comments