Khilaaf Ka Taagan Siyaasiin Loo Diiday Xildhibaanadda
Muqdisho(GMN)-Guddiga Farsamadda xulitaanka Barlamaanka ayaa dib u celiyey magacyadda qaar ka mid ah Siyaasiin ka mid noqon rabay Barlamaanka cusub.
Siyaasiinta Guddiga uu dib u celiyey ayaa la sheegay inay ka mid ahaayeen qab-qabliyaashii Dagaal ee dalka soo maray kuwaas oo aan buuxin Karin sharuudaha loogu baahan yahay xildhibaanka soo socda.
Magacyadda Guddiga ay diideen inay qabtaan waxaa ka mid ah ,Cabdullaahi Shiikh ismaaciil, Cabdiraxmaan Ibbi, C/casiis Shiikh Yusuf.
Guddiga Farsamadda ayaa ayaa horey u diidey magacyo ay ka mid ahaa Maxamed Qanyare Afrax.
Siyaasiintan Guddiga uu celiyey ayaa sababay khilaaf soo kala dhexgalay Beelaha soo xulay Magacyadda iyo Guddiga Farsamadda.


Sheekh Shariif ba waxaa uu ahaa hoggaamiye kooxeed. Waayo asaga loogu oggolaaday?