Cali Oo Yiri : AMISOM dhexdhaxaad ayay ka tahay Doorashooyinka
Muqdisho(GMN)-G/Dhexe Cali Aadan Xumed Afhayeenka Ciidamadda AMISOM ee Muqdisho ku sugan oo warfdiyeenka kula hadlay Magaaladda Muqdisho ayaa ka hadlay doorashooyinka la filayo inay ka dhacaan Magaaladda Muqdisho.
Afhayeenka ayaa tilmaamay in Ciidamadooda markasta ay dhexdhexaad ka yihiin doorashooyinka ka dhacaya Dalka.
“Waxa aan nahay Dhexdhexaad isla markaana sugi doona ammaanka guud ahaan Magaaladda Muqdisho” ayuu sheegay Afhayeenka.
Cali Aadan ayaa hoosta ka xariiqay inay la shaqayn doonaan masuul kasta oo loo doorto madaxwaynaha dalka isla markaana ay ammaankiisa sugi doonaan.
Afhayeenka ayaa dhinaca kale waxa uu carabka ku dhuftay inay sugi doonto ammaanka musharaxiinta hadiibu yiri ay gurmad soo waydiistaan.
Dhawaan ayaa la filayaa in dalka ay ka dhacaan doorashooyin madaxtinimo oo ay ku hardami doonaan musharaxiinta.


Recent Comments