Gaas oo Jeediyey Hadal Jawaab u Ah Shariif
Muqdisho(GMN)-Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay hadalo maalmahamba la isla dhexmarey oo sheegayey in Xukuumadiisa aan lahayn wax awood ah.
Hadakan waxaa maalmo ka hor jeediyey Madaxwaynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Ra’isulwasaaraha ayaa sheegay in sharci dara ah tahay wax waliba oo aan ogayn xukuumadiisa.
Gaas ayaa yiri “Xukuumadeydu waa ay shaqaynaysaa inta laga helayo mid bedesha”
Madaxwaynaha Soomaaliya dhawaan waxa uu waday Magacaabis Degmooyin hor leh iyo dalacsiin Saraakiil ka tirsan Dowladda oo Gaasna ku tilmaamay Sharci daro.
Waxaa Muuqanaya Khilaaf aan daahsarnayn oo u dhaxeya Ra’isulwasaaraha iyo Madaxwaynaha Soomaaliya.


Recent Comments