Augustine Mahiga Waa nin ceynkee ah ?

MUQDISHO(GMN)-Ambassador Augustine Philip Mahiga oo ah wakiilka gaarka ah xoghayaha Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya, waa nin udhashay wadanka Tanzania,  arimaha diplomasiyaddana derejada PHD-ga ka heysta.

howshan Diplomasiyadda ee arrimaha Soomaaliya uu u qaabilsan yahay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban-Ki-Moon wuxuu bilaabay bartamihii sanadkii 2010, shaqadaasi oo uu kala wareegay Axmadou Walad Abdalla oo isaga jagadaasi uga horreyey.

Tana iyo sanadkii 2010 oo uu xilka safiirnimo ee arrimaha Soomaaliya  qabtay wuxuu qaaday talaabooyin dhowr ah oo wax qabadna ay ku jiraan haba iska yaraadeene, wax-qabadkiisa ugu weyn ee la xusi karo waxaa ka mid ah xafiiska Qaramada Midoobay  ee Soomaaliya oo magaalada Muqdisho laga furay mudo 15 sano  kadib ah, iyo in uu ka shaqeeyey kulamadii isdaba yaalka ahaa ee looga hadlayay arrimaha roadmap-ka oo dad badana ay ku tilmaameen hagar daamo shacabka loo dhigayey.

Mahiiga waxaa lagu xantaa in uu yahay nin madax adag kaliya jecel in aragtidiisa uun ay meelmarto, isla markaana aan texgelin iyo soo dhaweyn midna u heynin aragtiyada iyo afkaaraha ay dadka kale qabaan ee laakiin kuwiisa ka soo horjeeda.

Dhawaan waxaa Muqisho lagu soo gabagabeeyey kulamadii lagu ansixinayay Dastuurka ee ay ergada Soomaalida iyo madaxda dalkaba ka qeyb galeen, Mahiiga wuxuu ka mid ahaa masuuliyiintii Ajaanibta iyo muwaadiniintaba isugu jiray ee munaasabadaasi ka qeyb galay.

Hadal uu halkaasi ka jeediyey ayaa wuxuu si weyn ugu canaantay odayaasha Dhaqanka  Soomaalida iyo ergada ku howlaneyd soo xulida xildhibaanada Soomaaliya, isagoo lahjad kulul kula hadlaya ergada iyo madaxda Soomaalida ayuu sheegay inuusan aqbaleynin in soo xulista ergada lala soo daaho iyo in musuq maasuq wax lagu soo xulo.

Hadalkaasi inaan ergada lala soo daahin iyo in aan wax musuq-maasuq lagu soo xulin waa mid aad u qurux badan laakiin waxay ku habooneyd in ay soo jeedin uun ahaato oo uusan amar kulul siinin madaxda iyo ergada Soomalida.

Howsha Mahiiga waa shaqo diplomaasi diplomaasiyaduna waxaa sal u ah dimoqraadiyadda oo tiirarka mabaadi’dda  dimuqraadiyadda ay ku taagan tahay kuwa ugu horreyana ay tahay in la aqbalo aragtiyada ay qabaan dadka kaasoo horjeeda.

Mahiiga isagoo dimuqraadiyadda mabaadii’deeda aan u aaba yeeleynin wuxuu si kulul u dhaliil dadka aragti ahaan shaaciyey in ay ka soo horjeedaan qodobo ka mid ah dastuurka Soomaaliya.

Wuxuu dadkaasi ku tilmaamay in ay yihiin dad qaswadayaal, nabad diid ah, isla markaana aan loo dulqaadaneynin.

 

Isweydiintu waxay tahay miyaaney Muwaadiniinta Soomaalidu xaq u laheyn in ay aragtidooda ku cabiri karaan siday u arkaan qodobada lagu qoray Dastuurka Soomaaliya? miyaaney soo bandhigi karin wixii dhaliilo ah ee u muuqanaya? mase Mahiga yiri waa in la raacaa.

Marka laga soo tago in uu yahay nin jecel in madaxda dalka uu u yeeriyo siyaasadda isla markaana isu arka in uu yahay hogaamiyayaasha Soomaalida hogaamiyahooda ayaa haddana dadka aadka u yaqaana Mahiiga waxay ii sheegeen in uu aad u jecel yahay in uu dhaadhaajiyo dhaqanka suuban ee Soomaalida iyo cibaadada diinta islaamka ee ay soomaalidu ku dhegan tahay, dhaadhaajintaasi aan dhabta ka aheyn  waxaa dhowr jeer ka dhashay qaladaad iyo xad-gudubyo dhaqanka iyo diintaba aan ku wanaagsanayn.

Markii uu geeriyooday madaxweynihii hore ee dowladda KMG Soomaaliya marxuum C/laahi Yuusuf Axmed ayaa 25-kii March ee sanadkan 2012  waxaa salaadda janaasada lagula tukaday  gigada diyaaradaha ee Aadan Cadde, dad badan oo masuuliyiinta dalka, culumaa’udiin iyo qeybaha kale ee bulshada ayaa ka qeyb galay salaadaasi janaasada Mahiigana isagoo is yeeleelayo ayuu garab istaagay Muslimiinta salaada dukaneysay.

Waxaa la weydiiyey mar haddaanu aheyn qof Muslim ah sababta uu salaada janaasada ugu tukaday marxuum Cabdulaahi Yuusuf. Mahiiga wuxuu ku jawaabay in Cabdulaahi Yuusuf ay isku fiicnaayeen sidaa daraadeedna uu isaga ku tixgelinayay.

Salaadaha faral iyo suno waxay noqdaanba waa cibaado Alle dartii loo guto oo aan cid isaga ka soo hartayna loo nasbeyn karin, lagu tixgelin karin laguna qadarin karin, haddii ay dhacdana waa wax xad-gudub iyo gefba ku ah diinta islaamka.

Marka laga hadlayo diinta Islaamka in uu qof Salaad dukado waxaa loo eegaa shuruudo dhowr ah oo ugu horeyso in qofka laga helo Islaam-nimo.

Dhamaan kulamada Soomaalida ayaa u goob joog u yahay talooyinna ku yeeshaa, mararka qaarna isagaaba garwadeen ka ah oo dadka aragtidiisa u yeeriya.

Waxaa la tilmaamaa in Mahiiga uu ku baxo qarasha badan oo haba ugu horeeyaan kuwa socdaalkiisa ku baxa, haddana qarashkaasi uu arrimaha Soomaaliya u isticmaalayo ayaa ka badan waxqabadkiisa.

si Mahiiga waxqabadkiisa loo mahdiyo mira dhal Soomaalida iyo beesha caalamkaba ay ku diirsatana u noqdo waa in uu si weyn u darsaa dhaqanka, dabeecadda iyo siyaasadda Soomaaliya, kala gartaa diplomaasiyadda iyo dhaqanka, dimuqraadiyadda iyo diktaatooriyadda, si uu taasi uga gun gaarana kaliya waxaa ku filan isaga oo ku dhaqma diplomaasiyadda oo uu derejada Phd-ga ka heysto.

W/D: Aweys Xaaji Nuur (Aweys Aar)

Gedoonlinenews@gmail.com

2 Responses to Augustine Mahiga Waa nin ceynkee ah ?

  1. GACAL August 11, 2012 at 10:19 am

    ADOON WEEYE CAWAAN AH MAHIGA JARERNA AH SOMALIYANA WAX KA GALAY MAJIRAAN MARKA ANAGA ADOON HA NOO XAYEYSIIN URAHAYO SHTT

    Reply
  2. Daljir August 12, 2012 at 3:18 am

    Mahiga waa u toostay in uu hirgaliyo dastuur laga soo horjeedo.
    Dastuurkaas waxaa laga soo dhaweeyay UN , America, iyo
    Ururro badan oo caalami ah. Waxaa la yaab leh in Madaxweynaha Soomaaliyeed oo la sugayo dhamaadka
    bisha Agoosto uu ku dhaarandoono Dastuurka waxa ku
    qoran in uu fulinayo.

    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Before you submit form:
Human test by Not Captcha

Don’t Take Blessings for Granted

Buuga Jaalle Siyaad oo la bandhigay

Jaalle Siyaad Book Event