Siyaasadda Garoonka iyo Siyaasiinta Dalka

MUQDISHO(GMN)-Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaaladda Muqdisho marka aad booqato waxaa  kuu muuqanaya xurguf xaga siyaasadda oo ay ku loolamayaan Siyaaasiinta dalka ee u taagan xilka Madaxwayninmo.

Musharax  waliba marka uu ka soo degayo Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho waxaa ku soo dhawaynaya Taageeriyaashiisa.

Xurgufta Siyaasadeed ee ka taagan Garoonka Muqdisho waxa ay soo ifbaxday markii maanta Garoonka lagu arkay Taageeriyaasha Madaxwayne Shariif oo ka mid ah Musharaxiinta.

Taageeriyaasha Shariif ee Garoonka soo buuxdhaafiyey gacmaha waxa ay ku siteen boorar uu ku sawirnaa Madaxwaynaha Soomaaliya.

Bal  iswaydii haddii Madaxwaynaha uusan ka soo degaynin Garoonka Sababaha keeni kara in taageeriyaashu halkaasi ay tagaan.

Afafka hore ee Garoonka waxaa  ku wada suganaa taageeriyaasha Madaxwayne Shariif iyo Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Labada taageere  ayaa  mid kasta dhiniciisa waxa uu ku dhawaqayaa  Farmaajo Guul , Shariif Guul waxaana  la dareemayaa is riix riixid dhinaca taageeriyaasha.

Dad ka madax banaan taageeriyaasha ayaa  ayaa  muujinaya sida ay u arkaan Siyaasadda ka taagan garoonka Aadan Cadde.

Dadbaa is leh haddii Shariif uusan ka soo degaynin Garoonka Muqdisho maxaa keenaya taageeriyaashiisa sow ma haboona in shacuurtooda ay ku muujiyaan xaruunta Madaxtooyadda.

Masharixiin la mid ah kuwa Madaxwayne Shariif ayaa taageeriyaashooda waxaa lagu arkayaa Garoonka Aadan Cadde ee Magaaladda Muqdisho.

Garoonka Muqdisho waa Mashquul, waxaana inta badan ka soo dega Musharixiin iyo siyaasiin damac ka leh inay iska dhax arkaan Muraayadda cusub ee Soomaaliya.

Qalinkii Hanad Cali Guuleed

Gedoonlinenews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Before you submit form:
Human test by Not Captcha

Don’t Take Blessings for Granted

Buuga Jaalle Siyaad oo la bandhigay

Jaalle Siyaad Book Event