Farmaajo Oo La Hadlay Taageeriyaashiisa

MUQDISHO(GMN)-Garoonka  Diyaaradaha  Aadan Cadde ee Magaaladda Muqdisho waxa ka soo degay Musharaxa  Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo ahaa Ra’isulwasaarihii hore ee Soomaaliya.

Mr Farmaajo ayaa Magaaladda Muqdisho waxaa loogu soo dhaweyey si aan hore loo arag iyadoo dadwaynaha ay muujiyeen sida ay u taageersan yihiin Masharaxooda Farmaajo.

Maxamed Cabdulaahi oo hadal kooban u jeediyey taageeriyaashiisa waxa uu sheegay in haddii la doortay ahmiyadiisa ay tahay in Munshaar u bilaawo ciidamadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale Farmaajo waxa uu sheegay in lacagtii ka go’day ciidamadda Naafadda xooga Dalka Soomaaliyeed uu dib u bilaawi doono.

Maxamed ayaa si gaar ah waxa uu ugu mahadceliyey taageeriyaashiisa sida wanaagsan ee ay u soo dhaweeyeen.

Baabuurta kala duwan ee Magaaladda dhexwareegaysa ayaa waxaa ku wada dhegan sawirka Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Baabuurta ciidamadda Dowladda KMG Soomaaliya ayaa sidoo kale waxaa lagu xardhay hal-ku-dhigyo ay ku taageersan yihiin Mr Farmaajo.

Gedoonlinenews@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Before you submit form:
Human test by Not Captcha

Don’t Take Blessings for Granted

Buuga Jaalle Siyaad oo la bandhigay

Jaalle Siyaad Book Event