Radiyaha Dowladda oo loogu fadhiyo Kala Maareynta Madaxda Dowladda
MUQDISHO(GMN)-Madaxda ugu sareysa Dowladda Soomaalia oo uu ka dhaxeyo loolanka siyaasadeed ayaa caqab ku noqday Radiyaha ku hadla Afka Dowladda Soomaaliya.
Masharax kasta oo ka mid ah masuuliyiinta Dowladda Soomaaliya ayaa doonaya inuu si toos ah qudbadiisa ugu baxdo Radiyaha Dowladda.
Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa maalmihii ugu danbeyey waxaa lagu dhex arkayey shaashadaha Radiyaha Dowladda.
Madaxwaynaha ayaa si toos ah Idaacadda ugu soo bandhigayey waxqabadiisa iyo waliba waxa uu qaban doono marka la doorto.
Cabdiwali Cali Gaas Ra’isulwasaaraha Soomaaliya oo ka mid ah Masharixiinta Madaxtinimo u taagan ayaa ku guul-daraysay in Radiyaha Dowladda si toos ah qudbadiisa ay ugu baxdo.
Gaas ayaa ka doorbiday Radiyaha afka Dowladda ku hadla in qiimo lacageed oo aad u badan uu ku bixiyo warbaahinta kale ee Madax-Banaan.
Siyaasiga kale ee la hadal hayo inuu ku soo biirayo Masharaxinta Madaxwaynimadda u taagan oo ah Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa dhankiisa ka baaran degaya sidii qudbadiisa ay ugu bixi lahayd si toos ah Idaacadda Afka Dowladda ku hadasho.
Shaqaalaha Radiyaha ayaa soo wajhaday caqab ku aadan sida ay u maareyn lahayeen Sedaxda Masuul ee qof walib u taagan Madaxtinimadda.
Waxa Jira guryan ay muujinayaan Shariif Xasan iyo Cabdiwali Maxamed Cali Gaas kaasi oo ku saabsan in Madaxwaynaha keliya Idaacadu ay si toos ah u tabinayso marka uu soo bandhigayo afkaarihiisa.
Hanad Cali Guuleed


waxaa layaab ah radio ma dowladaa leh mise Shiikh Shariif? midakale subcad marabaan miyaa agaasimayaasha iyo shaqaalaha tv ma waxay modaynin in shiikh shariif wali joogayo