C/wali Gaas oo ku soo biiray Masharaxiinta
MUQDISHO(GMN)-Cabdiwali Maxamed Cali Gaas Ra’isulwasaaraha Soomaaliya ayaa maanta Magaaladda Muqdisho ku qabtay xaflad uu ku shaacinayo inuu u taagan yahay xilka Madaxweynaha Dalka Soomaaliya.
Cabdiwali Maxamed Cali ayaa ku wehliya xaflada xubno ka tirsan golaha wasiiradda ee qaar ka mid ahaa xildhibaanadii la kala diray.
Masuuliyiin ka socotay maamul gobboleedka Dalka ayaa sidoo kale goob joog ka ahaa xaflada uu Gaas ku soo bandhigayey Musharaxnimadiisa.
Ra’isulwasaare Cabdiwali Gaas ayaa Xaflada ka yiri “Waxa aan ahay Musharax Madaxwayne”
Taageeriyaasha Gaas ayaa marka uu hadalkaasi ku dhawaqay ku taageeray sacab ay barbarsocday geeraaro.
Inta ay xafladu socotay ayaa waxaa goobta lagu soo bandhigay filim ducomintry ah oo ka tarjumaya wax qabadka xukuumadda Ra’isulwasaare Gaas.


Recent Comments