Khaliif: waa la iqabayaa kooxaha dilka geysta
BOSASO(GMN)-Khaliif Ciise Mudan Wasiirka ammaanka maamulka Puntland ayaa ka hadlay dil dhawaan Magaaladda Garoowe loogu geystay xildhibaan ka mid ahaa Barlamaanka maamulkaasi.
Mudan waxa uu sheegay inay wadaan qorshiyaal ay ku doonayaan in gacanta ay ku soo dhigaan kooxihii ka danbeyey dilka Xildhibaanka.
Wasiirka ammaanka Maamulka Puntland ayaa carabka ku dhuftay in baaritaano ay ku hayaan dad ay u soo qabteen dilka xildhibaanka ka tirsanaa Barlamaanka Puntland.
Khaliif Ciise Mudan ayaa soo hadal qaaday in dadka ay gacanta ku hayaan baaritaano ay ku socdaan isla markaana ay sii wadi doonaan hawlgalladda ay ku xaqiijinayaan ammaanka.
Dhawaan Magaaladda Garoowe waxaa lagu dilay xildhibaan ka tirsanaa maamulka Puntland.


Recent Comments