Yusuf Garaad oo Shaqadiisa uga tagay in uu Madaxweyne Noqdo.
Nairobi-(GMN) Yusuf Garaad Axmed oo in mudaa soo ahaa madaxii laanta Af-ka Soomaaliga ku hadasha ee BBc ayaa Shegay in uu iska casialay Shaqdii uu mudada dheer ka soo hayay BBC taas oo uu qibradeeda lahaa.
Warkan waxaa uu Yusuf Garaad ku shaciyay Boga uu Face Book ku leeyahay isaga Muujiyay in uu mudo dheer ka dib ka ruqsaystay shadaqada BBC oo uu iska wareejiyay isla markaana uu wato qorshe uu dib ugu laabanayo Dalka Soomaaliya.
“20 sano ka dib, waxaan maanta ka ruqsadaystay BBC World Service oon u ahaa Madaxa Laanta Soomaaliga, Waxaan tegeyaa dalkeyga hooyo si aan uga qeyb qaato xasilintiisa iyo dib u dhiskiisa. Allow noo sahal”.sidaa waxaa Yiri Yuusuf Garaad.
Waxaa soo baxaya warar sheegaya in uu doonayo in uu isku soo taago xilka Madaxweyne nimo ee dalka Soomaaliya isaga oo dib ugu laban doona Muqdisho maalmaha soo socda.
Ilo wareedyo ayaa xaqiijinya in Garaad uu Muqdisho ku soo bandhigi doono Musharaxnimadiisa.
Waxa uu ka mid yahay saxafiyiinta ugu caansan Soomaaliya waxa uuna Garaad wajahayaa waxyabo badan oo ay ka mid tahay Eexo la sheegay in dad ka galay mudadii uu ahaa Madaxa BBC qaybta Somaliga, waxa sidoo kale uu siyaasad ahaan BBC ku caawin jiray raga uu taageersanyahay kuwaas oo ku jiray loolanka siyaasada Soomaaliya gaar ahaan xiliyadii jahawarerka.
Ma cada kalsoonida uu kahaysto in uu helo xilka uu iminka u suxul duubayo, waxana uu ka mid noqon donaa ku dhawaad 60 nin oo u taagan xilka Musharaxnimada oo la filayo in ay dhacdo 20 August.


Recent Comments