Doolar iyo Doorasho Xildhibaan

MUQDISHO(GMN)-Muqdisho Maanta Maxaad kula Yaabtay? Guuxa siyaasadeed ee Muqdisho ka taagan iyo Isbedelka dalka ka dhacaya marka la gaaro 20-Augosto ayaa ku dareensiinaya inuu jiro loolan siyaasadeed.

Dalka Waxaa dib ugu soo laabanaya aqoonyahano iyo dadkale oo hamigooda uu yahay inay iska dhex arkaan Masraxa Siyaasadeed ee Dalka.

Masuuliyiin ka tirsan Dowladda waqtigeeda uu dhamaaday iyo Axzaabta siyaasadeed oo ay wehliyaan siyaasiin rug cadaa ah oo dalka caan ka ah ayaa hor boodaya in boos ay ka helaan Dowladda soo socota.

“Waxa aan rabaa Xildhibaan, waxa aan doonayaa wasiir, Hamigeygu waa Jago hebil” waa hal-ku-dhigyadda aad ka dhex maqlayso dadka xusul duubka ugu jira inay iska dhex arkaan Muraayadda cusub.

Jawaabaha su’aalahaasi marka dad caqliga u saliimka ah loo bandhigo si fudud waxa ay u sheegayaan in Jawaabtu ay tahay “Jeebkaaga-Ku-Tasho” oo micnuhu yahay Doolar bixi.

Odayaasha soo xulay Xildhibaanadda cusub ee Magacoodu loo gudbiyey Madaxweyne Shariif ayaa ah kuwa bixiyey dhaqaalle aad u fara badan isla markaana aan lagu soo xulin qaab beeleed.

Tusaale kugu filan ayaa ah in Hoolka ay ku shirayeen Odayaasha ay si joogta ah ay u gaarayey dad hami ka leh ka mid noqoshadda Barlamaanka soo socda.

Maalmo gudahood  qiimo koror xoogan ayaa ku yimid ka mid noqoshada Liiska Xildhibaanadda soo socda.

Todobaad gudahiisa  in aad xildhibaan noqoto waxa uu Magaaladda Muqdisho ka gaaray 100-USD

Markii hore ayaa waxa uu ku bilowday 50-USD taasi oo muujinaysa sida mar qura u kacay qiimaha.

Maalmo ayaa inaga xigta in doorasho xor ah lagu qabto gudaha Dalka Soomaaliya su’ashu waxa ay tahay Xildhibaano qaab is daba marin ah lagu soo xulay ma dooran karayaan Madaxwayne xalal ah.

W.D Hanad Cali Guleed

Gedoonlinenews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Before you submit form:
Human test by Not Captcha

Don’t Take Blessings for Granted

Buuga Jaalle Siyaad oo la bandhigay

Jaalle Siyaad Book Event