Tifatiraha BBCda Yusuf Garaad Cumar oo isu sharaxay Madaxweyne

Muqdisho-(GMN) Maalinba maalinta ka danbaysa ayaa waxaa isa soo tarayaan Musharixiinta isu soo taagaysa jagada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa Yuusuf garaad Axmed la sheegayaa inuu ka mid yahay Tartamayaasha isu soo taagaya Jagadaas.

Ilo ku dhow dhow Yuusuf Garaad ayaa inoo Xaqiijiyay inuu ka mid yahay Musharixiinta Jagada madaxweynaha Soomaaliya taasoo uu ku taamayey ilaa 2009 isagoo mar ku sigtay in uu ku dhawaaqo musharaxnimadiisa, xiligaasoo ay socotay Ololaha Doorashada Madaxweynanimada oo lagu qabanayey Dalka Jabuuti.

Yuusuf Garaad Axmed ayaa lagu wadaa in Maalinta Talaadada ah ee soo socota uu soo gaari doono Magaalada Muqdisho isla markaana uu si rasmi ah ugu dhawaaqidoono in uu u taagan yahay Qabashada Xilka Madaxweynanimada Soomaaliya.

Tifaf-tiraha BBCda Laanta Afka Soomaaliga oo ah Nin ku Hadla illaa Laba Luqadood ayaa BBCda ka hor waxaa uu u soo shaqeeyay Idaacaddii Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya isagoo markii danbana u wareegay Hay;adaha Bisha Cas.

Yuusuf Garaad Axmed oo ay dadku ku barteen Wariyanimo ayaan la garanayn sida uu u kasban karo Taageerayaal markan uu ku dhawaaqo inuu u wareegoay dhinaca Siyaasadda, iyadoo BBC-da qeybta Soomaalida oo uu madax u yahay ay jiraan dad fara badan oo ka tirsanaya eedo ah in uu si ula kac ah kaga cunaqabateeyey in si lasiman Dadka kale ay uga gudbiistaan wararkooda ama wareysiyadooda, dadkaanoo leh Siyaasiyiin iyo Cuqaal Beeleedyo.

Mr Garaad ayaa muddo dheer u soo shaqaynayay Idaacadda BBCda Laanteeda afka Soomaaliga isagoona ka gaaray darajada ah tifaftiraha qaybta Afka Soomaaliga ee Idaacaddaas taasoo dadka u dhuun daloola arimahaas ay sheegeen in Shaqaalaha Idaacadaa si Eex Beeleed ah uu ku Xulay Yuusuf Garaad xiligii loo dhiibay Xilkan uu hayo ee ah Tafaftiraha isagoo jaanta u rogay Wariyayaal Caan ah.

Musharxnimada yuusuf garaad Axmed ayaa laga dhur sugayaa taasoo Banaanka usoo saari doonta awooda tageero ee uu heli karo iyo mucaaradada hareyn karta Hankiisa taasoo ka imaan doonta Bulshada.

Warkaan waxaa shaaciyay Radio Danan.

Gedoonlinenews@gmail.com

 

 

One Response to Tifatiraha BBCda Yusuf Garaad Cumar oo isu sharaxay Madaxweyne

  1. Madaxweynaha Qaxotiyada Somalia August 5, 2012 at 6:07 pm

    Maxaa iga reebay kursigan dayacane hadba qof u tagan? BBC & YUSSUF GARAD haye madaxweyne bbc dana mala socota

    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Before you submit form:
Human test by Not Captcha

Don’t Take Blessings for Granted

Buuga Jaalle Siyaad oo la bandhigay

Jaalle Siyaad Book Event