Shariif: Kenya ha wado dagaaladda Jubbooyinka
NAIROBI(GMN)-Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya oo ku sugan Magaaladda Nairobi ee dalka Kenya ayaa kulan la qaatay Wasiirka Difaaca Kenya Yuusuf Xaaji.
Madaxweynaha iyo Wasiirka Kenya ayaa waxa ay ka wada hadleen dagaalka Kenya ay ka wada gobboladda Jubbooyinka ee ay kula dagalamayso Al-Shabaab.
Sheekh Shariif ayaa sheegay in Saraakiisha Kenya ay dardargaliyaan hawlgalka ay kula dagalamayaan Al-Shabaab.
Yuusuf Xaaji Wasiirka Difaaca Kenya ayaa dhankiisa tilmaamay in Kenya ay hormar ka gaartay dagaaladda ay kala soo horjeedo Shabaab ee ka socda gobboladda Jubbooyinka iyo Gedo.
Dowladda Kenya ayaa ciidamadeeda waxa ay u soo daad guraysay Soomaaliya ka dib markii Shabaab Kenya ay ka soo qafasheen dad ajaa’nib ah.


Recent Comments