Qanasax dheer oo dagaal uu ka dhacay
QANSAXDHERE(GMN)-Cabdifataax Geesay oo ah Guddoomiyaha gobbolka Baay ee Dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijiyey in Degmadda Qansax dheere uu maanta dagaal ka dhacay.
Guddoomiyaha ayaa tilmaamay inuu jiro khasaare ka dhashay dagaal ka dhacay Degmadda Qansax dheere.
Ilo Madaxbanaan ayaa sheegaya in dagaalka ay ku dhinteen 10-ruux oo u badan dhinacyaddii dagaalmaya.
Dagaalka ayaa waxa uu ka danbeyey markii Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen degmadda Qansax dheere.
Bar Shabaab ay ku leeyihiinn enternet-ka ayaa waxa ay ku sheegeen in dagaalkaasi hadafkii laga lahaa laga gaaray.


Recent Comments