Banaanbax ka dhacay Gaalkacyo
GALKACYO(GMN)-Boqolaal dadwaynaha ayaa isugu soo baxay Magaaladda Gaalkacyo ee xaruunta gobbolka Mudug kuwaas oo taageersan in Xilka Gal-Mudug uu qabto Cabdi Xasan Cawaalle Qaybdiid.
Dadka isugu soo baxay ayaa gacmaha waxa ku siteen boorar ay ku qornayeen hal-ku-Dhigyo ay ku taageersan yihiin Cabdiqaybdiid.
Dibadbaxyaasha ayaa waxaa hadal ka jeediyey Cabdiqaybdiid oo dadka u sheegay in wax badan uu ka qaban doono ammaanka Magaaladda Gaalkacyo.
Cabdi Xasan Cawalle Qaybdiid ayaa dhawaan loo doortay inuu noqdo Madaxweynaha Gal-Mudug.


Recent Comments