Dad ku ba’bay qarax ka dhacay Yaqshiid
MUQDISHO(GMN)-Qarax ka dhacay guri ku yaalla xaafadda Mahad –Alla Degmadd Yaqshiid ayaa geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
4-ruux ayaa la xaqiijiyey in qaraxa ay ku geeriyootay kuwaas oo ay ku jiraan caruur iyo haween.
Goob joogayaal ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa mid lagu farsameynayey guriga uu qaraxa ka dhacay.
Ma jirto wax tafaasiil dheeraad ah oo ka soo baxaya qaraxa ka dhacay degmadda Yaqshiid.


Recent Comments