Mr Farmaajo: Nin Dooran Dooro II

MUQDISHO(GMN)-Ra’isulwasaarihii hore ee Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo isla hada ah musharax u taagan xilka madaxtimo ayaa la saadalinayaa inu noqon doono Madaxweynaha soo socda.

Farmaajo oo Musharax ah isla maraakana dadku ay ku xasuustaan isbedelka muuqda inuu horsdeeday  dalka ayaa goobaha la isugu yimmaada si aad ah loogu hadal hayaa.

Warbaahinta gudaha ayaa si aad ah u sheegaya in afti ay ka qaadeen dhageystiyaashodu ay muujinayso in Farmaajo si aad ah u taageersan yihiin.

Barta Isku xirka Bulshadda ayaa si aad ah waxa ugu dhexmuuqaya sawiradda Mr Farmaajo.

Farmaajo ayaa waxaa lagu xasuustaa marka uu xilka Ra’isulwasaarnimo qabtay in xukuumadiisa ay la dagaalantay musuqmaasuqa.

Maxamed Cabdulaahu Farmaajo ayaa xilka baneeyey markii ay is qabteen isaga iyo Madaxweynaha iyo Gudoomiyii Barlamaanka Shariif Xasan ka dib heshiis lagu magic daray Kampalla Accord ayuu xilka isaga tagay.

Tan iyo xilkaas shacabku waxa ay ahaayeen kuwa si aad ah u  hadal haya xukuumaddii Tayo ee Mr Farmaajo.

Dadka qaarkii ayaa mararka qaar kuu sheegaya marka la soo hadal qaado arimaha doorashooyinka “NIN DOORAN DOORO”

Hanad Cali Guuleed

Muqdisho-Somalia

Gedoonlinenews@gmail.com

 

One Response to Mr Farmaajo: Nin Dooran Dooro II

  1. Yuusuf maxamed farax August 4, 2012 at 2:21 am

    Nin dooran dooro mr m.cabdullahi farmajo

    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Before you submit form:
Human test by Not Captcha

Don’t Take Blessings for Granted

Buuga Jaalle Siyaad oo la bandhigay

Jaalle Siyaad Book Event