Shabaab oo dusha u ritay weerar Mandheera ka dhacay
Muqdisho(GMN)-Abdicaziz Abuu Muscab oo ah Afhayeen Shabaab dhanka Hawlgalladd oo u la hadlay bar enternet Shabaab ay ku leeyihiin ayaa sheegay in ciidamadooda ay ka danbeyeen weerar Miino oo Maanta oo Isniin ah ka dhacay Degmadda Mandheera.
Afhayeenka ayaa sheegay in weerarkaasi ay ku dileen Saraakiil ka tirsan Dowladda Kenya halka uu sheegay inay ku gubeen gadiid kuwa Booliska ah.
Muscab ayaa sheegay inay sii wadi doonaan qaraxyo uu sheegay inay ku beegsanayaan gadiidka Saraakiisha Dowladda Soomaaliya.
Maanta ayaa qarax miino waxaa uu ka dhacay Degmadda Mandheera kaasi oo la sheegay in waxyeelo ay ka soo gaartay ciidamo ka tirsan Dowladda Kenya.


Recent Comments