Carab:Ku Hanjabay in gacan bir ah lagu qaban doono Afgooye
Muqdisho(GMN)-Wasiirka Difaaca Dowlada Somaaliya Xuseen Carab Ciise ayaa daboolka ka qaaday in gacan bir ah ay ku qaban doonaan kooxaha cadeystay inay dhibaateyaan shacabka ku nool Degmada Afgooye.
Xuseen waxa uu farta ku fiiqay in kooxahaasi haddii ay gacanta ku dhigaan ay ciqaabi doonaan si buu yiri aysan u dhicin in dib dambe dadka la dhibaateyo.
Dowadda ma caqbali doonto wax kasta oo xadgudub ku ah ummadda ayuu sii raacsaday hadalkiisa wasiirka Difaaca Dowlada.
Xueen Carab Ciise ayaa soo hadal qaaday inay jiraan dad dambi galay isla markaana ciqaabtooda ay mareen.
Dilal iyo xabsi ayuu sheegay wasiirka difaaca inay la kulmeen dadkii ay ku heleen dambiga.
Degmadda Afgooye ayaa waxa ay ka mid ahayd meelihii Dowladda Soomaaliya ay ka saartay Al-Shabaab , waxaana muuqanaya in ay soo baxayaan dul-duleelo xaga ammaanka.


Recent Comments