Madaxweynaha oo canantay Dhega Badan
Muqdisho(GMN)-Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif oo Maanta gaaray Degmadda Afgooye ee gobbolka Sh/Hoose ayaa canaan dhegaha u saaray saraakiisha Dowladda ee degmadaasi ku sugan.
Madaxweynaha ayaa saraakiisha uu canaanta la dul dhacay waxaa ka mid ahaa Abaandulaha ciidamadda Gen. Dhega Badan.
Sheekh Shariif ayaa sheegay in Saraakiisha ay ku guul dareysteen xaqiijinta ammaanka Degmadda Afgooye.
Gen. Dhega Badan oo dhinac taagnaa Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay inay ogalaadeen cananta Madaxweynaha Soomaaliya.
Generaalka ayaa hoosta ka xariiqay in si ay u sugaan ammaanka ay xabsig.a dhigeen saraakii ka mid ah ciidamadda Dowladda Somalia.


Recent Comments